Chelsea, Arsenal Oo Man United Uga Jawaabay Dalab Ku Aadanaa Saxiixa Jadon Sancho.

Kooxaha Chelsea iyo Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay go’aan ka gaareen saxiixa Jadon Sancho kaas oo ay labada kooxoodba ay Man United u soo bandhigtay saxiixiisa.

Sancho ayaa qeybtii labaad ee xilli ciyaareedkii hore amaah ku joogay Borussia Dortmund, isagoo dhaliyay seddex gool seddexna caawiye ka ahaa 21 kulan, laakiin ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ayaa lagu wadaa inuu ku soo laabto Old Trafford bilowga tababarka xilli ciyaareedka cusub.

Mustaqbalka 24-sano jirkaan ee Man United ayaa weli ah mid aan la hubin, ka dib markii uu si weyn isku khilaafay tababare Erik ten Hag intii lagu jiray qeybtii hore ee xilli ciyaareedkii hore.

Mustaqbalka Ten Hag ee Red Devils ayaa su’aalo la iska weydiiyay dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore, laakiin tababaraha reer Holland ayaa haatan la filayaa inuu saxiixo qandaraas kordhin ka dib wadahadal wanaagsan oo uu la yeeshay maamulka kooxda.

Sidaas darteed uma badna in uu Sancho sii joogi doono Man United xilli ciyaareedka cusub iyada oo la filayo in uu isaga tago kooxda.

Kooxda Man United ayaa la xidhiidhay kooxaha ay ku xafiiltamaan premier League ee Arsenal, Man City iyo chelsea iyaga oo u soo bandhigay saxiixa xiddiga.

Laakiin Sida laga soo xigtay TEAMtalka, dadaaladii Man United ayaa fashilmay iyada oo kooxaha loo soo bandhigay saxiixa Sancho iska diideen.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More