Wararkii U Dambeeyey Suuqa Iibka Ciyaaryahanadda Ee Maanta Oo Salaasa Ah

Suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga ayaa furmi doona horraanta bisha June ee foodda innagu soo hayso, waxaana haddaba lasii helayaa xogta xiddigaha ay kooxaha waaweyn isku dayi doonaan in ay lasoo saxeexdaan.

Wargeysyada waaweyn ee Yurub ayaa si joogto ah usoo bandhiga wada-hadallada, qorsheyaasha iyo xanta suuqa, waxaana maanta oo Salaasa ah qodobbadii ugu waaweynaa ee ay qoreen ka mid ahaa:

Borussia Dortmund ayaa u sheegtay laacibka reer England ee Jadon Sancho oo 21 jir ah, in uu iska tegi karayo xagaagan. (Bild)

Tababaraha Manchester United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa saxeexa bartilmaameedka u ah ka dhiganaya Sancho xagaagan, inkasta oo ay ciyaartoyda kooxdu doonayaan in kooxdu lasoo saxeexato Jack Grealish oo 25 jir ah. (Telegraph)

Tottenham ayaa isku dayaysa in ay dib usoo ceshato Mauricio Pochettino oo hadda ah tababaraha PSG, haddii uu isagu ogolaado in uu soo laabto. (Independent)

Real Madrid waxay diyaar u tahay in ay dhegaysato dalabyada laga soo gudbiyo Gareth Bale oo 31 jir ah iyo Eden Hazard oo 30 jir ah. (Sky Sports)

Hazad waxa uu doonayaa in uu dib ugu laabto kooxdiisii hore ee Chelsea oo sannadkii 2019 uu uga soo wareegay Real Madrid. (El Chiringuito)

Tottenham waxay qorshaysay in ay xagaagan iibiso laacibka khadka dhexe ee reer England ee Dele Alli oo 25 jir ah. (Football Insider)

Luis Suarez ayaa sheegay in uu sii joogi doono Atletico Madrid oo uu la qaaday horyaalka, inkasta oo 34 jirkan lala xidhiidhinayo in uu kusoo laabanayo kooxdiisii hore ee Liverpool. (Liverpool  Echo)

West Ham ayaa ka baqaysa in Manchester United ay u diiddo, in heshiis rasmi ah ay la saxeexdaan laacibka reer England ee Jesse Lingard. 28 jirkan ayaa xilli ciyaareedkan amaah kula joogay Hammers. (Sun)

Juventus ayaa albaabada u furtay kooxaha doonaya Aaron Ramsey, kaas oo ay doonayso in ay iibiso. (Calciomercato)

Barcelona waxay diyaarinaysaa in ay wada-hadallo la furto weeraryahanka reer France ee Ousmane Dembele. 24 jirkan ayaa uu qandaraaskiisu ku eg  yahay xagaaga 2022. (Mundo Deportivo)

Barcelona iyo Bayern Munich ayaa kala jiidanaya laacibka khadka dhexe ee Georginio Wijnaldum oo 30 jir ah, isla markaana si bilaash ah kaga tegaya LIverpool xagaagan. (Sky Sports)

AC Milan ayaa u dhow heshiis ay la gaadho goolhayaha 25 jirka ah ee reer France ee Mike Maignan oo u ciyaara Lille, si uu ugu beddelo Gianluigi Donnarumma oo 22 jir ah, heshiiskiisuna ku egyahay xagaagan. (Sky Italia)

Kubbad-sameeyaha reer Turkey ee Hakan Calhanoglu, heshiiskiisii AC Milan na dhamaaday ayaan wali go’aan rasmi ah ka gaadhin mustaqbalkiisa, waxaanu doonayaa in uu sugo illaa inta uu dhamaanayo tartanka Euro 2020. (Fotomac)

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More