Xiddig Real Madrid U Ciyaara Oo Xaqiijiyay In Uu Toni Kroos Kala Wareegi Doono No.8

Federico Valverde ayaa ku dhawaaqay inuu qorsheynayo inuu la wareego lambarka Toni Kroos xilli ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Germany uu macsalaameeyay waqtigiisa Real Madrid.

Kroos ayaa sabtidii u ciyaaray Madrid kulankiisii ​​ugu dambeeyay, kadib markii uu go’aansaday inuu gabi ahaanba isaga fariisto ciyaarta ka dib koobka qaramada Yurub ee soo socda – kaasoo uu u safan doono xulka martigelinaya koobka.

Xiddiga ayaa ciyaaraha kooxaha ku macasalaameeyay ku guulaysiga champions League oo uu kula guulaystay Real Madrid.

Bixitaankiisa ayaa la macno ah in lambarka sideedaad ee kooxda Real Madrid uu haatan diyaar u yahay in uu xiddig kale qaato.

Isagoo ka hadlayay guushii Wembley Stadium ka dib, Valverde ayaa xaqiijiyay inuu lambarka u qaadan doono kooxda xilli ciyaareedka dambe.

“Waan jeclahay lambarka 15-aad, riyadeyda Real Madrid waxa ay ku bilaabatay lambarkan” ayuu yiri xiddiga reer Uruguay.

“Laakiin haa, waxaan ku bedelayaa laba bilood gudahood. Aynu nidhaahno cutubka ayaa si fiican u dhammaaday.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More