Saadaal Uu Ancelotti Sameeyay Tartanka Euro 2024 Oo Run Noqotay.

Ka hor inta uusan bilaaban Euro 2024, Carlo Ancelotti ayaa ka hadlay kooxaha uu filayo inay wacdaro ka dhigi doonaan tartanka.

“Aad ayaan u filayaa Germany sababta oo ah waxa ay joogaan gurigooda,waxa ay haystaan xiddigo cajiib ah”Ancelotti ayaa yiri.

“Talyaaniga ka waran?” ayaa la waydiiyay Ancelotti.

“Ma arko ciyaartoy heer sare ah marka laga reebo Donnarumma oo goolka ku jira,” ayuu u sheegay wargeyska La Repubblica.

“Waxaan ka hadlayaa jiilka sida Pirlo, Totti, iyo Del Piero”.

“Heerku ma ahan mid fiican sidaas darted uma malaynayo in ay meel fog gaadhi doonaan”.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More