Waa Kuwan LABADA Qaab Ee Kaliya Ee Uu Neymar Markale Ugu Biiri Karo

Waxa wali halkooda kasii socda sidii caadada ahayd wararka garabka weerar ee kooxda Paris Saint-Germain ee Neymar Junior la xidhiidhinaya ku laabashada kooxdii uu afar sano kahor iskaga tagay ee Barcelona.

Ku laabashada Neymar ee Barca ayaa ahayd mid markasta si joogto ah lavatory hadal hayo sanadahan ugu dambeeyay balse maaha wax fudud inuu marnaba heshiiskaasi qabsoomo.

Xiddiga Brazilian-ka ah ayaa hadda badhtanka kaga jira qorshaha iyo wadahadalada heshiis cusub oo uu u saxeexayo kooxdiisa Paris balse warar hoose oo laga helayo ayaa sheegaya inuusan wali iska dhiibin hammiga ah ku laabashada Camp Nou.

Barcelona ayaa ahayd mid warkeedu cad yahay oo aan doonayn inay wax lacag ah oo badan isaga ka bixiso xataa 150-ka Milyan ee euro ee ay PSG ku doonaysay.

Heshiiska 29 sano jirkaas ee Paris ayaa ah mid dhacaya dhammaadka xilli ciyaareedka dambe, qaabka kaliya ee uu Blaugrana ugu soo laaban karo gudaha suuqa sanadkan ayaa lagu sheegay heshiis is-dhaafsi oo uu ku baxayo mid ahaan xiddigaha French-ka ah ee Antoine Greizmann ama Ousmane Dembele.

Qaabka labaad ee uu xiddigii hore ee Santos ugu laaban karo Camp Nou ayaa ah inuu heshiiskiisa Parc Des Princes dhammaysto oo uu qaab bilaash ah sanadka dambe ee 2022 ugu laabto Barca.

Si kastaba ha ahaatee, muhiimada koowaad ee ay Barcelona ka leedahay suuqa sanadkan ayaan ahayn Neymar balse ah inay sameyaan saxeexa weeraryahan dhexe oo weyn.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More