Waa Kuma Xiddiga Premier League Ka Ciyaara Ee Uu Saxeexiisa Ku Farxi

Kooxda Manchester United ayaa lala xidhiidhinayaa saxeexa khadka dhexe ee Wolverhampton Wanderers ee Ruben Neves kaas oo la sheegay inuu yahay ciyaaryahan uu soo xero galintiisa ku farxi lahaa kubad sameeyaha kooxdaas ee Bruno Fernandes.

Manchester ayaa qaab fiican ku bilaabatay suuqa xagaagan, waxa ay la saxeexdeen goolhaye Tom Heaton iyadoo shabaq ilaaliyahaas ruug-caddaaga ahi uu wacdarro ka dhigay kulankii saaxiibtinimo ee ay 2-1 uga adkaadeen Derby County.

Sidoo kale heshiiska uu Jadon Sancho ugaga yimid Manchester United ayaa ah mid dhammaystiran walow aysan kooxdu wali shaacin rasmi ah samayn haddana waxa ay hore u shaaciyeen inay Dortmund heshiis buuxa gaadheen.

Dhinaca kale Red Devils ayaa ku dhaw saxeexa daafaca dhexe ee Real Madrid ee Raphael Varane, 28 sano jirkaas oo ay hore uga baqayeen inuu u isticmaalo inuu heshiis cusub oo qaali ah ka diyaarsado Real ayay haatan kalsooni ku qabaan saxeexiisa.

Khabiir Dean Jones oo ka hawl-gala Eurosport oo ka hadlayay barnaamijka The Football Terrace ayaa sheegay in xiisaha ay Man United u qabto Ruben Neves uu yahay mid xoogan.

Sidoo kale Jones ayaa sheegaya in saxeexa Ruben uu aad uga farxin lahaa Fernandes oo ay dalka Portugal kasoo wada jeedaan.

“Waxa la ii sheegay in doonista saxeexa Neves (Ee Man United) uu dhab yahay, iyadoo Arsenal ay tahay mid ugu fir-fircoon ee isku dayaysa inay hesho (Haddana) United wali wadahadalka way ku jirtaa”

“Bruno Fernandes sida iska cad aad ayuu u doonayaa Neves inuu kusoo biiro kooxduna way ka warqabtaa midaas”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More