Waa Kuma Xiddiga Arsenal Ee Ay 15-ka Kooxood Saxeexiisa Doonayaan &

Arsenal ayaa iska difaacday liis dalabaad ah oo ka imanayay 15 kooxood oo Yurub ah iyada oo ugu dambayn weeraryahanka mustaqbalka fiican leh ee Folarin Balogun ku qancisay inuu kooxdeeda sii joogo oo uu u saxeexo heshiis cusub.

Waxa jirtay hubaanti la’aan ka taagnayd mustaqbalka Balogun iyadoo heshiiskiisa hadda ee kooxdu uu ahaa mid dhacaya dhammaadka xilli ciyaareedkan, jamaahiirta kooxdaas ayaa ka wer-wer qabay in kooxdoodu ay qaab xor ah ku waayi doonto da’yarkaas hibada leh oo xiiso ka helayay kooxo England ah iyo kuwo dibada ah labadaba.

Laakiin, sida ugu horreynba lagu sheegay wargeyska Sportsmail, Balogun ayaa hadda qarka u saaran inuu heshiis cusub u saxeexo Arsenal iyadoo ku dhawaaqista heshiiskaasi ee rasmiga ahi ay tahay mid dhaw.

Sida uu sheegay saxafiga ree Talyaani ee Fabrizio Romano, Folarin Balogun ayaa heshiis gaadhsiisan ilaa 2025 qalinka ugu duugay Gunners walow uu dalabaad ka helay 15 kooxood.

Warbixinta Fabrizio Romano ayaa sheegaysa in kooxda ree Germany ee Bayer Leverkusen ay ahayd mida dalabka ugu cajiibsan miiska usoo saartay Balogun kahor inta aysan tababare Mikel Arteta iyo Edu ku qancinin inuu kooxda sii joogo.

Folarin Balogun oo ka tirsan xulka 20 sano jirada ka yar ee England ayaa loo arkaa mid kamida weeraryahanada da’da yar ee dalkaas kuwooda ugu fiican.

Balogun ayaa awoodiisa ciyaareed iyo tayadiisa sidoo kale kusoo muujiyay kooxda koowaad ee Arsenal oo uu laba gool u dhaliyay kaddib shan kulan oo uu bedel ku galay.

Your browser does not support the audio element.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More