UEFA Oo Isbeddel Ku Samaysay Champions League & Waqtiyadii ESL Oo

Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa isbeddello ku sameeyey tartanka Champions League laga bilaabo sannadka 2024 markaas oo ku beegan waqtiga  ay kooxaha Yurub doonayaan in ay bilaabaan tartanka cusub ee European Super League.

Kooxaha ka qayb-gelaya tartanka Champions League ayaa la kordhin doonaa, waxaana laga dhigi doonaa 36 ciyaarood, sida ay UEFA shaacisay.

Isbeddelkan ayaa waxa kale oo uu keenayaa in illaa 100 ciyaarood oo Champions League ah ay dhacaan, waxaana qaab cusub loo dhigayaa kulamada koowaad ee hormooyinka.

Qaabka cusub ee loo ciyaarayo Champions League oo loogu magac daray “Swiss Model” ama “Qaabka Switzerland” ayay koox waliba ciyaari doontaa 10 kulan ka hor inta aan la gaadhin isku-aadka wareegyada isreeb-reebka tooska ah, taas oo ka dhigan in aanay jirin wareeggii hore ee Groups-ka.

Waqtiyada la ciyaarayo kulamada Champions League ayaa sidoo kale isbeddel lagu sameeyey, waxaana lagu soo kordhiyey maalmo cusub oo meesha ka saari doona kulamadii kooxuhu ciyaari lahaayeen usbuuc dhamaadka.

Saddexda maalmood ee Salaasada, Arbacada iyo Khamiista ayaa noqon doona kuwo la ciyaari doono tartanka Champions League halkii ay markii hore ka ahayd in labada maalmood ee Salaasada iyo Khamiista oo kaliya la ciyaaro, isla markaana Khamiista kulamada Europa League  dhacaan.

Fiidnimadii xalay, 12ka kooxood ee ugu waaweyn ee horyaallada England, Spain iyo Italy oo ay ku jiraan kooxaha Liverpool, Barcelona iyo Juventus ayaa shaacistay tartan cusub oo ay ugu magac-dareen European Super League (ESL) oo ka koobnaanaya 20 kooxood, kaas oo qorshuhu yahay in uu bilaabmo sannadka 2024.

ESL ayay kooxahani u qorsheeyeen in ay usbuuc-dhamaadka la ciyaaro, waxayse u muuqataa in UEFA ay si ula kac ah u buuxisay maalmihii ay kooxaha Super League ciyaari lahaayeen, taas oo sii xoojinaysa dagaalkooda.

Madaxweynaha xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ee Aleksander Ceferin ayaa shaaciyey in ciyaartoyda tartankaas Super League ka qayb-gala aanay ciyaari doonin kulamada xulalka qaramada ee EURO iyo Koobka Adduunka midna.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More