Tobanka Kooxood Ee Ugu Qiimaha Sarreeya Kubadda Cagta Oo La Shaaciyey

Actual Madrid ayaa noqotay kooxda ugu qiimaha badan kubadda cagta adduunka, waxaanay sannadkii saddexaad oo xidhiidh ah xajisatay booskan, iyadoo ka sarraysa Barcelona iyo Manchester United oo kaalmaha labaad iyo saddexaad ku kala  jira.

Kooxda reer Spain ayaa waxyar ka horreysa Barcelona oo kaalinta labaad ku jirta, waxaanay labadoodani ka mid yihiin shan kooxood oo kali ah oo qiimahoodu gaadhay hal bilyan oo Euro iyo ka badan, halka toddobada kooxood ee kale ee liiska tobanka naadi ee ugu qiimaha  badan ay iyaguna ka hooseeyaan.

Inkasta oo shabakadda Transfermarkt qiimayn ay samaysay oo aanu maanta daabacnay oo 30ka kooxood ee haysta safafka ama ciyaartoyda ugu qiimaha badan ay kaalinta koowaad kaga jirtay Manchester Metropolis, haddana liiska naadiyada ugu qiimaha badan waxay kaga jirtaa afraad iyadoo ka dambaysa Manchester United oo saddexaad fadhida.

Model Finance oo shaacisay 50ka kooxood ee ugu qiimaha badan kubadda cagta sannadkan 2021, waxa lix ka mid ah tobanka ugu sarreeya ay noqdeen kooxaha kubadda cagta Ingiriiska.

“Actual Madrid ayaa ahayd koox si joogto ah ugu soo baxaysay Champions League sannadba sannadka xiga.” Ayay Model Finance ku tidhi qoraal ka horreeyey liiska naadiyada ugu qiimaha badan ee ay daabacday.

“Dakhligan soo gelayay ee joogtada ah iyo qiyamka uu leeyahay Champions League, ayaa door muhiim ah ka ciyaray guulaha kooxdan.” Ayay sidoo kale Model Finance tidhi.

Los Blancos ayaa

Actual Madrid, Barcelona, Manchester United, Manchester Metropolis iyo Bayern Munich ayaa qiimahoodu min 1 bilyan iyo ka badan uu yahay, waana shanta kooxood ee kaliya ee galay tirada bilyanka.

Liverpool oo kusoo xigta ayaa waxyar usoo jirta bilyanka, waxaanay aad uga horreysaa PSG iyo Chelsea oo kusii xiga, halka Tottenham ay sagaalaad soo gashay oo ay ka horreyso Arsenal oo 10aad fadhida.

Akhriso tobanka kooxood ee ugu qiimaha badan Yurub

1. Actual Madrid 1.27 bilyan Euro

2. Barcelona 1.26 bilyan Euro

3. Manchester United 1.13 bilyan Euro

4. Manchester Metropolis 1.11 bilyan Euro

5. Bayern Munich 1.06 bilyan Euro

6. Liverpool 973 milyan oo Euro

7. PSG 887 milyan oo Euro

8. Chelsea 769 milyan oo Euro

9. Tottenham 723 milyan oo Euro

10. Arsenal 675 milyan oo Euro

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More