Spain Oo Qaabkii U Xumaa Ku Bilaabatay Euro, Kulankii Labaad Oo Ay

Xulka qaranka Spain ayaa kulankii labaad oo xidhiidh ah galay barbarro, waxaanay qaabkii u xumaa ku bilowdeen tartanka qaramada Yurub ee Euro 2020.

Spain ayaa magaalada Seville waxay ku qaabbishay Poland oo ay dhibcaha ku qabsadeen 1-1, iyagoo horena isla garoonkan barbarro goolal la’aan ah ugula galay Sweden.

Tababare Luis Enrique ayaa  shax ay ka maqan yihiin Thiago Alcantara iyo Adama Traore ku ciyaaray kulankii labaad oo xidhiidh ah, waxaanay awoodi waayeen in ay jidka guusha helaan.

Alvaro Morata ayaa qaybtii hore gool aan sii waarin u dhaliyey Spain oo daqiiqaddii 25aad goolka ku leexiyey kubbad uu dhinaca midig ka keenay Gerard Moreno, laakiin goolkaas ayaan sii waarin, waxaana daqiiqaddii 54aad meesha ka saaray Robert Lewandowski oo dhaliyey gool madax ahaa oo uu meel fog ka toogtay.

Spain oo ciyaarta gacanta ku haysay 77% ayaa heshay fursado badan oo waayey cid goolka ku leexisa iyadoo Alvaro Morata uu ahaa mindi bilaa af ah oo kubbado goolka loo hordhigay awoodi waayey inuu dhaafiyo goolhaye Wojciech Szczesny.

Gerard Moreno ayaa khasaariyey fursaddii ugu qaalisanayd ee ay Spain guusha ku heli lahayd, waxaanu ahaa gool ku laad ama rikoodhe loo dhigay daqiiqaddii 58aad, hase yeeshee laacibkan ayaa kubadda ka jaray birta, waxaanay usoo noqotay Alvaro Morata oo halkii uu aadyar ku leexin lahaa goolka oo madnaa maadaama Szczesny uu dhulka jiifay degdeg la yimid oo kubadda dallacay.

Spain ayaa waxay ku jirtaa kaalinta saddexaad ee Group E, waxaanay leeyihiin laba dhibcood oo kaliya, halka ay Sweden oo hoggaanka haysaa afar dhibcood ka haysato iyo Slovakia oo labaad ku haysata saddex dhibcood, halka Poland oo ugu hoosaysa ay hal dhibic leedahay.

Kulanka ugu dambeeya hormadan ayay Spain la ciyaari doontaa Slovakia, halka Poland iyo Sweden ay iyaguna ballansan yihiin.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More