Sir La Helay: Sababtii Uu Casemiro U Seegay Final-kii FA Cup-ka Oo La Shaaciyay.

Walaalka Sofyan Amrabat ayaa sheegay in uuna Casemiro dhaawac ku seegin kulankii Final-ka A Cup-ka go’aansaday in uu iska fadhiisto kadib arkii loo sheegay in aanu ku bilaaban doonin shaxda kulanka.

Casemiro ayaa gabi ahaan ka maqnaa kulankii Final-ka FA Cup-ka iyada oo Ten Hag sheegay in aanu xiddigu taam u ahayn in uu ku bilowdo kulanka.

Ciyaaryahanka Watford Nordin Amrabat, oo ah walaalka xiddiga Man United ee Sofyan Amrabat ayaa shaaca ka qaaday in Casemiro uusan dhaawac ku seegin Final-ka.

Isagoo la hadlayay Z Select, Nordin ayaa daaha ka qaaday in markii uu maqlay warka ah inuusan ka mid ahayn kooxda, Casemiro uu go’aansaday in uu ciyaarta ka daawado tarabuunka.

Wuxuu yiri: “Casemiro dhaawac kuma seegin kulankii Final-ka FA Cup-ka, Waxa uu ogaaday in aanu bilaaban doonin ciyaarta axana u go’aansaday in u ciyaarta ka daawawado taarabuunka”yuu sii raaciyay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More