Sir Alex Ferguson Oo Xushay Saddex Ciyaartoy Oo Arsenal, Liverpool Iyo

Tababarihii hore ee Manchester United ee Sir Alex Ferguson ayaa rumaysan in tiro ciyaartooyo horyaalka Ingiriiska ee Premier League ka ciyaara ay ka caawin doonaan xulka qaranka Scotland inuu saamayn weyn ku yeesho tartanka Euro 2020 ee bisha June bilaabmi doona.

Xulka qaranka Scotland ee uu tababaraha u yahay Steve Clarke ayaa usoo gudbay ciyaaraha qaramada Yurub markii ugu horreysay tan iyo 1998kii, kaddib markii ay bishii November kusoo garaaceen Serbia kulamadii isreeb-reebka.

Goolhaye David Marshal ayaa ahaa geesiga habeenkii ay guusha ka keeneen kulankii Scotland kusoo baxay ee ay rikoodheyaasha ku reebeen Serbia.

Scotland ayay isku group noqdeen ahaayeen waddamada awoodda badan Croaia, Czech Republic iyo England.

Ciyaaryahannada difaaca uga ciyaara Arsenal iyo Liverpool ee Kierran Tierney iyo Andy Roberton oo lagu daray khadka dhexe ee Manchester United ee Scott McTominay ayaa isbeddel badan ku sameeyey xulka qarankooda, waxaase uu Sir Alex Ferguson oo isaguna Scotland u dhashay oo amaanay saddexdan ciyaartoy, isagoo yidhi: “Heerka bandhiggoodu wuxuu ahaa mid aad u wanaagsan, waanan la dhacay. Bal eeg Kieran Tierney oo cajiib ah, Andy Robertson oo laba sannadood ba samaynayay waxyaabo aan la rumaysan karin iyo Scott McTominay oo kusoo baxay mid ka mid ah ciyaartoyda ugu wanaagsan Manchester United.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu Ferguson sii dul-istaagay kubbad-sameeyaha United, waxaanu yidhi: “Marka aad daawato isagoo u ciyaaraya Man United, wuxuu Scott ka mid yahay ciyaartoyda ugu bandhigga fiican. Wuxuu leeyahay dhaqan suubban, tababar fiican, wuxuuba xoogaa shabbahaa Fletcher.

“McTominay waa sidii Darren Fletcher oo kale, wuxuu si fiican ugu guuleystaa kubadda, wuxuu leeyahay orod fiican oo uu hore ugu socdo iyo qaab ciyaareed wanaagsan.”

 

Your browser does not support the audio element.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More