Shaxda Rasmiga Ee Real Madrid vs Barcelona – Zidane & Koeman Oo Dhexda

Real Madrid iyo Barcelona ayaa ku sugan gudaha garoonka Alfredo Di Stefano oo ay ku samaynayaan iskululayn ka hor ciyaartooda oo bilaabmi doonta 10ka fiidnimo.

Labada kooxood ayuu kulankani muhiim ugu yahay dagaalka ay ugu jiraan hanashada horyaalka Spain ee LaLiga, iyadoo midkooda guuleysataaba ay soo qaban doonto Atletico oo hadda hoggaanka haysa, halka Barca ay iyadu hoggaankaba la wareegi karto.

Real Madrid ayaa kulankii hore ee labada kooxood ee garoonka Camp Nou kusoo guuleysatay 3-1, halka Barcelona ay u socoto aargudasho iyo guul ay hoggaanka horyaalka ku qabato.

Tababare Zinedine Zidane ayaa ciyaartan kusoo bilaabay weeraryahanka reer Brazil ee Vinicius Junior oo usbuucii hore laba gool kasoo dhaliyey Liverpool, waxaanu ka garab ciyaarayaa Karim Benzema, laakiin waxa kaydka ku jira Marco Asensio.

Zidane ayaa ciyaartan awoodda saaray khadka dhexe, isagoo kusoo bilaabay Fede Valverde oo ka garab ciyaaraya Toni Kroos, Casemiro iyo Luka Modric.

Difaaca ayay ciyaartii labaad oo xidhiidh ah is garab taagan yihiin Nacho iyo Eder Militao, waxaana dhinacyada ka xiga Lucas Vazquez iyo Ferland Mendy.

Barcelona ayaa sidoo kale isbeddel samaysay, waxaanu Ronald Koeman ka dagaalamayaa khadka dhexe isagoo kaydka u diray Antonio Griezmann.

Lionel Messi iyo Ousmane Dembele ayaa weerarka wada taagan, waxaana khadka dhexe ka wada ciyaaraya Frenkie de Jong, Sergio Busques iyo Pedri, waxaase caawinaya Jordi Alba oo isaguna garab weerar iyo dhexeba ah.

Difaaca ayay wada taagan yihiin Sergino Dest, Oscar Mingueza, Ronald Araujo iyo Clement Lenglet.

Shaxaha Rasmiga ah ee labada kooxood

Real Madrid XI: Courtois, Lucas Vazquez, Militao, Nacho, Mendy, Casemiro, Kroos, Modric, Valverde, Vinicius, Benzema.

Barcelona XI: Marc-Andre ter Stegen; Sergino Dest, Oscar Mingueza, Ronald Araujo, Clement Lenglet, Jordi Alba; Frenkie de Jong, Sergio Busquets, Pedri; Lionel Messi, Ousmane Dembele.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More