Shaxda Rasmiga Ah Ee Portugal vs Germany – Yaa Kusoo Bilowday Yaase

Xulka qaranka Germany ayaa raadinaya guul uu sare ugu soo kaco oo uu kaalinta saddexaad ama labaad kusoo galo, isla markaana uu niyad-jab iyo sagxadda hoose ee Euro 2020 uu kaga badbaado marka uu garoonka Allianz Arena ee magaalada Munich ku qaabbilo waddanka Portugal oo awood kusoo jiidhay Hungry kulankii hore.

Germany ayaa waxa ciyaartii hore ka badiyey xulka qaranka France, waxaanay u baahan yihiin guul qasab ah iyo bandhig wanaagsan si ay ugu gudbi karaan wareegga xiga ee 16ka, iyagoo haysta fursad ay kusoo gudbi karaan xataa haddii ay kaalinta saddexaad ku dhamaystaan.

Tababare Joachim Low ayaa shax adag kusoo bilaabay kulankan, waxaanu soo qaddimay Kai Havertz, Thomas Muller iyo Serge Gnabry, halka dhexdana ay wada taagan yihiin Gosens, Kroos, Ilkay Gundogan iyo Kimmich.

Difaaca ayaanu waxba ka beddelin intii uu kulankii hore ku ciyaaray, si la mid ah khadka dhexe iyo weerarka, waxaana wada taagan Rudiger, Hummels iyo Ginter iyo goolhaye Manuel Neuer oo kasii dambeeya.

Kaydka ayay kasoo muuqdaan Timo Werner, Sane iyo Leo Goretzka.

Portugal ayaa waxa iyagana hoggaaminaya Cristiano Ronald, Digo Jota iyo Bruno Fernandes, kuwaas oo ay dhexda ka caaiwnayaan Bernardo Silva, Danilo iyo Carvalho.

GERMANY XI: Neuer, Ginter, Hummels, Rudiger, Kimmich, Gundogan, Kroos, Gosens, Havertz, Muller, Gnabry.

Kaydka: Leno, Trapp, Halstenberg, Volland, Werner, Sule, Neuhaus, Goretzka, Sane, Can, Koch, Gunter.

PORTUGAL XI: Patricio, Semedo, Dias, Pepe, Guerreiro, Carvalho, Danilo, Bernardo Silva, Fernandes, Jota, Ronaldo.

Kaydka: Lopes, Rui Silva, Fonte, Moutinho, Andre Silva, Rafa Silva, Sanches, Guedes, Neves, Goncalves, Dalot, Palhinha.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More