Shaxda Rasmiga Ah Ee Man Metropolis vs Chelsea – Pep Oo Sagaal Beddel

Thomas Tuchel ayaa shan isbeddel ku sameeyey safkii uu kula ciyaaray Actual Madrid Arbacadii ee ay kooxdiisa Chelsa ugu gudubtay finlka  Champions League, waxaana aan liiska ciyaartoydaba lagu soo darin Mason Mount, Thiago Silva iyo Ben Chilwell, halka kyadka ay ku jiraan Jorginho iyo Kai Havertz.

Gilmour ayaa kulankii labaad oo Premier League ah kusoo bilowday markii ugu horreysay intii uu Tuchel joogay, waxaana sidoo kale safka hore kusoo noqday Reece  James, Marcos Alonso, Hakim Ziyech iyo Christian Pulisic.

Pep Guardiola ayaa isaguna sagaal isbeddel ku sameeyey shaxda kooxdiisii finalka Champions League timid ee kasoo adkaatay PSG, waxaana kaliya uu kusoo bilaabay kooxdaas Ederson iyo Ruben Dias, inta kalena waxa lagu beddelay ciyaartooyo kale.

Nathan Ake, Aymeric Laporte, Joao Cancelo iyo Benjamin Mendy ayaa difaaca wada jooga, halka khadka dhexena ay taagan yihiin Rodri iyo Ferran Torres, kuwaas oo ay kasii horreeyaan Raheem Sterling, Gabriel Jesus iyo Sergio Aguero.

Kevin de Bruyne ayaan lagu soo darin liiska kooxda.

Shaxaha rasmiga ah ee labada kooxood

Kevin de Bruyne is lacking from the Metropolis matchday squad.

MAN CITY XI: Ederson, Ake, Dias, Laporte, Cancelo, Rodri, Torres, Mendy, Sterling, Jesus, Aguero.

Kaydka: Steffen, Walker, Gundogan, Zinchenko, Silva, Fernandinho, Mahrez, Foden, Garcia.

CHELSEA XI: Mendy, Azpilicueta, Christensen, Rudiger, James, Gilmour, Kante, Alonso, Ziyech, Pulisic, Werner.

Kaydka: Kepa, Jorginho, Abraham, Zouma, Giroud, Hudson-Odoi, Havertz, Emerson, Livramento.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More