Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka Atalanta vs Liverpool – Jurgen

Liverpool ayaa ku sugan waddanka Talyaaniga oo ay kula ciyaarayso kooxda Atalanta, waxaanay u baahan tahay inay guushii saddexaad gaadho, halka kooxda martida loo yahayna ay guul iyo barbarro soo heshay oo ay hoggaanka u qaban doonto Group D haddii ay libinta gacanta ku dhigto.

Liverpool oo dersin ciyaartooyo ahi dhaawac ka ahaayeen ayay usoo laabteen Joel Matip oo Jurgen Klopp ka furanaya dhibaatooyinkii difaac. Sidoo kale Naby Keita ayaa kooxda kusoo laabtay shan ciyaarood oo uu maqnaa kaddib, balse Thiago Alcantara ayaa wali ku maqan dhaawac.

Jurgen Klopp ayaa kaydka u diray weeraryahanka reer Brazil ee Firmino, waxaana uu dhibaatadii difaaca mar kale ku xalliyey Williams, halka uu Matip kaydka kasoo muuqdo.

Nat Williams oo ahaa laacibkii ugu fiicnaa kulankii West Ham ayaa isaguna kaydka ku jira oo naawili doona inuu beddelka boos ka helo, halka Naby Kaita, Shaqiri iyo Origi ay dhamaantood ciyaarta ka daawanayaan kursiga tababaraha agtiisa.

Weeraryahanka Diogo Jota ayaa kusoo bilowday ciyaartan, waxaana uu ka ciyaarayaa afka hore iyadoo ay dhinacyadiisana taagan yihiin Mohamed Salah iyo Sadio Mane.

Khadka dhexe ayuu mar kale kusoo bilowday da’yarka Curtis Jones oo ka garab ciyaaraya Wijnaldum iyo Henderson.

Shaxda rasmiga ah ee labada kooxood

Liverpool XI: Alisson, Alexander-Arnold, Gomez, R. Williams, Robertson, Henderson, Wijnaldum, Jones, Salah, Jota, Mane.

Kaydka: Adrian, Kelleher, Milner, Keita, Firmino, Minamino, Tsimikas, Shaqiri, Origi, Matip, Cain, N. Williams.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More