Shaxda Rasmiga Ah Ee Crystal Palace vs Arsenal – Miyuu Arteta Fursad

Arsenal ayaa ku sugan garoonka Selhurst Park oo ay marti ugu tahay Crystal Palace, waxaana uu Mikel Arteta raadinayaa guul uu sare ugaga soo kaco booska kaalinta 10aad ee ay xalay u dageen markii ay Leeds United soo badisay.

Arteta ayaa laba beddel ku sameeyey safkii uu Arbacadii kula ciyaaray Chelsea ee soo hooyey guusha 1-0 ah, waxaana uu kaydka dhigay Martin Odegaard iyo Pablo Mari, isagoo kusoo bilaabay Calum Chambers iyo Nicolas Pepe.

Ciyaaryahanadda kasii tegaya Arsenal ee ay ka midka yihiin Willian iyo David Luiz ayaan wax fursad ah la siinin, waxaana kaliya kaydka ku jira Willian, halka uu Luiz wali ku maqan yahay dhaawac.

Crystal Palace ayaa iyaduna samaysay isbeddello la mid ah kuwa Arsenal safkeedii guusha weyn ee 3-2 ah soo hooyey toddobaadkii hore ee ay Aston Villa kusoo garaaceen.

Vicente Guaita ayaa kusoo laabtay goolka, halka uu Eberechi Eze oo dhaawac ah uu ka baxay saaxadda oo uu beddelay James Tomkins.

Shaxaha rasmiga ah ee labada kooxood

ARSENAL XI: Leno, Holding, Chambers, Gabriel, Saka, Elneny, Partey, Tierney, Pepe, Smith Rowe, Auabmeyang.

Kaydka: Ryan, Ceballos, Lacazette, Odegaard, Willian, Cedric, Mari, Xhaka, Martinelli.

CRYSTAL PALACE XI: Guaita, Ward, Kouyate, Cahill, Mitchell, Tomkins, McCarthy, Schlupp, Townsend, Benteke, Zaha.

Kaydka: Butland, Van Aanholt, Ayew, Mateta, Clyne, Batshuayi, Kelly, Rak-Sakyi, Riedewald.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More