Shaxda Rasmiga Ah Ee Barcelona vs Granada – Barca Oo Hoggaanka LaLiga

Ronald Koeman ayay kooxdiisu hoggaanka u qaban doontaa horyaalka waddanka Spain ee LaLiga haddii ay badiso kulankeeda baaqiga u ahaa ee ay garoonka Camp Nou kula ciyaarayso Granada, waxaanay hal dhibic ka sarrayn doontaa Atletico halka Actual Madrid ay saddex dhibcood ka hor mari doonto.

Barcelona oo si ay u xaqiijisato in hoggaanka horyaalka ay qabato xilli shan ciyaarood oo kali ahi ka hadhsan yihiin dhamaadka xilli ciyaareedka ay kaliya ka xigto in ay guul ka keenaan ciyaarta Granada, waxa uu Ronald Koeman lasoo shir tegay shax adag isagoo saddex isbeddel ku sameeyey safkii uu kula ciyaaray Villarreal horraantii toddobaadkan oo uu guul 2-1 ah kasoo gaadheen.

Sergi Roberto, Samuel Umtiti iyo Ilaix Moribia ayaa kusoo bilowday ciyaartan, waxaanay beddeleen Sergino Dest, Clement Lenglet iyo Pedri.

Lionel Messi iyo Antoine Griezmann ayaa hoggaaminaay safka Barcelona, waxaana sidoo kale jooga Frenki de Jong oo khadka dhexe kala ciyaaraya Sergio Busquets, Moriba iyo Jordi Alba.

Shaxaha rasmiga ah ee labada kooxood

Barcelona XI: Marc-Andre ter Stegen; Oscar Mingueza, Gerard Pique, Samuel Umtiti; Sergi Roberto, Frenkie de Jong, Sergio Busquets, Ilaix Moriba, Jordi Alba; Lionel Messi, Antoine Griezmann.

Kaydka: Neto (GK), Arnau (GK), Araujo, Lenglet, Dest, Firpo, Pjanic, Pedri, Puig, Trincão, Konrad, Dembélé

Granada XI: Aaron Escandell; Nehuen Perez, German Sanchez, Victor Diaz; Quini, Yan Eteki, Yangel Herrera, Dimitri Foulquier; Luis Suarez, Roberto Soldado, Darwin Machis.

Kaydka: Fàbrega (GK), Andorinha (GK), Marín, Barcía, Gonalons, Quina, Vico, Soro, Molina

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More