Shaxda Kooxdii Ugu Fiicnayd Euro Wareegii Siddeed Dhammaadka & Xulka

Shabakadda ururinta xogaha kala duwan ee kubadda cagta ee Whscored.com ayaa markan soo saartay shaxda ay u dooratay midii ugu fiicnayd wareegii siddeed dhammaadka ee Euro 2020 oo xalay si rasmi ah usoo dhammaaday kaddib laba habeen oo uu socday.

Shaxdan ayaa ah mid uu afar boos ku yeeshay xulka qaranka England oo xalay 4-0 ku garaacay Ukraine halka ay min laba ciyaartoy ku yeesheen Denmark iyo Switzerland.

Aan ku bilawnee goolhayaha shaxdan ayaa ah Yann Sommer oo fursado waali ah ka badbaadiyay xulka Spain kahor inta aan rigoorayaal lagu reebin halka ay labada daafac dhexe yihiin Harry Maguire oo gool uga soo dhaliyay England dhigiisa Ukraine iyo Vermaelen oo Belgium si fiican ugu ciyaaray kulankii ay Talyaanigu reebeen.

Daafaca midig ee xulashadan ayaa ah Coufal oo ahaa caawiyaha goolkii Schick uu ka dhaliyay Denmark walow xulkiisa Czech uu hadhay halka uu daafaca bidix yahay Luke Shaw oo laba caawimo ku sameeyay Ukraine.

Labada khad dhexe ayaa kala ah Delaney oo kasoo caawiyay Denmark inay dhaafso Czech goolna dhaliyay iyo Shaqiri oo gool kasoo dhaliyay Spain kahor inta aysan rigoorayaal ku hadhin.

Labada garab weerar ayaa kala ah Jadon Sancho oo xalay qaab ciyaareed wacan kusoo muujiyay England walow uusan wax gool ah ku lug yeelan iyo Insigne oo gool cajiib ah Talyaaniga uga soo dhaliyay Belgium.

Labaleyda weeraryahan ayaa kala ah Dolberg oo markale geesi u noqday Denmark goolna la gaadhay shabaqa Czech iyo Harry Kane oo laba gool oo kale u dhaliyay England.

Halkan Kaga Boggo Shaxda & Qiimaynta Xiddig Kasta

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More