Shan Daafac Oo Ay Liverpool Ku Bedeli Karto Virgil van Dijk

Xilli ciyaareedka Liverpool ayaa halis ku jira ka dib markii daafacoodii adkaa uu dhaawac halis ah soo gaaray isagoo dagaal ugu jira inuu ciyaaro inta uusan dhaaminin xilli ciyaareedkan.

Daafaca reer Holland ayaa qaliin looga sameynayaa jilibka oo dhaawac halis ah uu ka soo gaaray kulankii shalay ee Merseydise Derby.

Inkastoo aan waqti loo qabanin mudada uu ku soo laabanayo Van Dijk hadana Liverpool waxay waayi doontaa xiddigeeda bilooyin.

Waxayna arintaan imaaneysaa xilli xagaagan uu Jurgen Klopp soo iibsan waaye daafac dhexe iyadoo Dejan Lovren uu ka tagay kooxda halka Joe Gomez iyo Joel Matip oo dhaawacyo u nugul ay yihiin daafacyada dhexe ee haatan kooxda jooga.

Klopp ayaa sidoo kale heysta Fabinho oo ka ciyaari kara booskaas, laakiin tababaraha Liverpool ayaa isku dayi doona bisha Janaayo inuu la soo wareego daafac cusub.

Waa kuwan shanta xiddig ee buuxin kara booska Van Dijk:

1. Ozan Kabak

Liverpool ayaa lala xiriirinayay xiddiga Schalke Kabak xagaagan laakiin waxay doorteen inaysan dalab rasmi ah ka gudbinin.

20 jirkaan oo si weyn looga qiimeeyo Jarmalka ayaan lagu heli doonin qiimo jaban iyadoo qandaraaskiisa lagu burburin karo 41 milyan ginni.

2. Antonio Rudiger

Ma ahan daafac ku haboon Liverpool laakiin Rudiger muddo kooban ayuu xal u noqon karaa kooxda difaacaneysa horyaalka haddii ay amaah kula soo wareegaan bisha Janaayo.

Chelsea ma dooneyso daafacaan laakiin waxay su’aal ka taagan tahay ma ogolaan doonaan inay caawiyaan koox la xafiiltameysa.

3. Nat Phillips

Marka laga soo tago Fabinho oo booska daafaca dhexe wacdarro ka dhigay kulankii Chelsea, Liverpool waxay sidoo kale heysataa daafacyo dhexe oo ay u soo dalacsiin karto kooxda koowaad.

23 jirka Nat Philips oo in ka badan 20 kulan u ciyaaray kooxda Stuttgart uu xilli ciyaareedkii la soo dhaafay amaah ku joogay ayaa loo soo dalacsiin karaa kooxda koowaad isagoo Liverpool u saftay kulankii FA Cup ee ay ka badiyeen Everton.

4. Rhys Williams

Philipps kaliya ma ahan daafac dhexe oo durbaba jooga Liverpool oo ka mid noqon kara qorshaha tababare Klopp.

19 jirka Rhys Williams ayaa durbaba labo kulan u saftay xilli ciyaareedkan isagoo ciyaaray Carabao Cup ka dib amaah uu ku joogay kooxda Kidderminster Harriers.

Sepp van der Berg iyo Billy Koumetio ayaa iyagana si weyn looga qiimeeyaa Melwood laakiin Williams ayaa u muuqda mid dhanka doorashada ka horeeya xiddigahaan.

5. Ben White

Daafaca Brighton ayaa diirada u saarnaa Liverpool muddo dheer iyagoo si weyn u la socday markii uu amaahda ku joogay Leeds xilli ciyaareedkii hore.

Liverpool aaya dooneysay inay la soo wareegto xagaagan laakiin Brighton ayaa diiday oo ku adkeysatay inay ceshato daafaca.

Waxaa xiddigaan lagu qiimeeyaa 25 milyan ginni.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More