“Sariirtii Hore Ayaa Mar Kale La Isoo Dhigay…” Joe Gomez Oo

Joe Gomez oo dhaawac culus kasoo gaadhay jilibka, isla markaana lagu sameeyey qalliin guuleystay ayaa la dhigay sariirta daaweynta ee uu jiifay xilligii Koobka Adduunka ee 2018kii uu qarankiisa dhaawac culus kaga maqnaa.

Laacibkan oo dhaawacu kasoo gaadhay xulka qaranka England oo uu tababarka la qaadanayay ayaa Khamiistii mindidada loo qaatay, waxaanay kooxdiisu ka gaabsatay inay qabato waqtiga suurtogalka ah ee uu kusoo laaban doono, inkasta oo khubarada aqoonta u leh dhaawacyada noocan ah ay shaaciyeen in ugu yaraan muddo lix bilood ah uu maqnaanayo.

Joe Gomez oo markii ugu horreysay ka hadlay dhaawaciisa ayaa jamaahiirta kooxdiisa u balla-qaaday inuus oo laaban doono isagoo intii hore ka xooggan oo ka wanaagsan, isla markaana uu durba bilaabay soo kabashada.

23 jirkarn ayaa qoraal uu bartiisa bulshada ku daabacay waxa uu ku sheegay inuu aqoon u leeyahay dhaawacyada noocan ah oo durba uu halka uu hadda yaallo ee uu soo kabashada ku qaadanayo uu laba sannadood ka hor jiifay.

“Dariiqa soo kabashadu ayaa ma horeba bilaabmay.” Ayuu hadalkiisa ku bilaabay Joe Gomez.

Waxa uu intaa ku daray: “Hore ayaan halkan u joogay, waxaan ogahay waxay igu qaadanayso, waxaanan soo laaban doonaa anigoo ka wanaagsan, kana xoog badan sidii hore. Way caddahay inaan dhibaatoonayo laakiin waxay qayb ka tahay qorshaha Ilaahay, waxaanan ogahay in wax waliba ay sabab ku dhacaan.”

Joe Gomez waxa uu u mahad celiyey taageereyaasha iyo dadkii kale ee farriimaha u diray waqtigii uu dhaawacu gaadhay, waxaanu yidhi: “Waxaan jecelahay inaan uga maha dceliyo qof walba wanaaggii uu ii rajeeyey iyo farriimihii taageerada. Waxaan diiradda saarayaa soo kabashadayda iyo inaan taageero kooxdayda si walba oo karaankayga ah. Kulanti dambe oo degdeg ah.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More