WARBIXIN: Xulkii Ugu Xumaa, Xiddigii Ugu Fiicnaa & Wax Walba Oo Aad Uga Baahantahay Dhacdooyinkii Wareega Group-yada Euro 2024.

Waxa la soo gaba-gabeeyay wareegii Group-yada tartanka Euro 2024 iyada oo la soo ciyaaray tartan xiiso leh.

Waxa ka soo baxay lama filaano waaweyn iyada oo xulal badan Iyo xiddigo badan ay soo bandhigeen qaab ciyaareed cajiib ah.

Hadaba warbixintan waxa aan ku soo bandhigi doonaa xulkii ugu fiicnaa, xiddigii ugu fiicnaa Iyo xulkii ugu xumaa wareegiu Group-yada tartanka.

1.Xulka Ugu Fiican:

Xulka Austria ayaa la odhan karaa waa xulka ugu fiican wareegii Group-yada tartanka Euro 2024.

Xulka Austria ayaa la odhan karaa waxa uu ku jiray Group-kii ugu adkaa hadana waxa uu kaga soo baxay kaalinta 1-aad.

Austria ayaa Group kula jiray xulalka France Iyo Netherlands hadana waxa uu kaga soo baxay kaalinta 1-aad.

2.Xiddiga Ugu Fiican:

Xiddiga xulka Germany ee Jamal Musiala ayaa ahaa xiddigii ugu fiicnaa tartanka Euro 2024 wareega Group-yada.

Xiddiga ayaa dhaliyay 2 gool wareegii Group-yada tartanka Euro 2024 waxana uu ka mid ahaa xiddigaha ugu fiican xulka Germany.

3.Xulka Ugu Xun:

Xulka England ayaa la odhan karaa waa xulka ugu xun wareegii Group-yada tartanka Euro 2024.

Inkasta oo xulal badan oo kale laakiin marka loo eego in ay ka mid ahaayeen xulalka loo saadaalinayay ku guulaysiga koobka.

Laakiin marka la eego sida ay u ciyaareen waxa la odhan karaa waa xulkii ugu xumaa wareega Group-yada Euro 2024.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More