Golaha Wakiilada DG Puntland oo u codeeyay Xeerka

Magaalada Garoowe waxaa maanta oo Sabti ah kulan ku yeeshay Golaha Wakiilada DG Puntland, waxa ay maalintii 3-aad qodob qodob u dul istaageen Xeer Isgaarsiinta & Khidmadaha Puntland.

Kulanka waxaa Shir Guddoomiyaya Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, waxaana fadhiga xaadir ahaa ku xigeenkiisa 1aad Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan & ku xigeenka 2-aad Ismaaciil Maxamed Warsame.

Guddoomiye Cabdirashiid ayaa sheegay in xeerka ay ansixiyeen ay dood adag ka yeesheen fadhiyadii ugu dambeeyay, 36-Xildhibaan ayaa qaab gacan-taag ah ku ogalaatay xeerka Isgaarsiinta, hal Xildhiban ayaa diiday, halka mudane kale uu ka aamusay.

Lifaaqa Xeerka Isgaarsiinta ayaa si faah-faahsan uga hadlaya Khidmadaha ay bixinayaan Isgaarsiinta, Boostada, Madbacadaha, Wargeysyada, Warbaahinta madax-banaan, Telefishinnada & adeegyadda xiriirka ee ka howl-gala DG Puntland.

Xeerka Isgaarsiinta Puntland oo ka kooban 38 Qodob waxaa lagu kordhiyay qodobo kale oo ka dhashay soo jeedinta Xildhibaannada Golaha Wakiilada, waxaana kamid ah: Iska hor-imaadka danaha isdiidan, shuruucda codsiga Ruqsadda, Ganaax & Dhaqan-gal.

Xeerkaan ayaa badali doono xeer sharci Lr 15 ee 17-12-2007 la mariyay Golaha Wakiilada DG Puntland, kadib markii sidaan oo kale wax ka badal lagu sameeyay, balse dib ayaa loogu baahday in loogu laabto qodobada qaar 13-sano kadib.

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More