SADDEX Kulan Oo Xidhiidh Ah, SHAN Rikoodhe Iyo Dhibic Kaliya

Zinedine Zidane ayaa sharrixi kari waayey guul-darrooyinka isdaba-joogga ah ee kooxdiisa Real Madrid ay kasoo hoynayso horyaalka LaLiga xili ciyaareedkan.

Real Madrid ayaa kulankii saddexaad oo xidhiidh ah waxay awoodi kari weyday inay guul ka keento horyaalka LaLiga, waxaana saddexdaba lagu qabtay rikoodheyaal, iyadoo hal dhibic kaliya ka keentay. Lucas Perez iyo Joselu ayaa laba gool ka dhaliyey Real Madrid kulankii Alaves ay ku garaacday 2-1 xalay, halka gool uu dhaliyey Casemiro uu waxba ka beddeli waayey natiijada.

Guul-darradan ayaa ahayd tii saddexaad ee horyaalka ah ee Real Madrid soo gaadhay xili ciyaareedkan, waxaanay hadda lix dhibcood ka dambaysaa Atletico Madrid iyo Real Sociedad oo hoggaanka wada haya, inkasta oo kooxda dambe ay hoggaanka sii dheeraysan karto marka ay kulankeeda usbuucan ciyaarto.

Waxa intaas uga sii daran in saddex ka mid ah shantii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee garoonkeeda ay ku ciyaartay, ay Real Madrid la kulantay khasaare, waana in ka badan 31 ciyaarood oo ka horreeyey oo ay garoonkeeda ku dheeshay.

Edin Hazard ayaa waqti hore ciyaarta dhaawac kaga baxay, sidoo kale waxa aan joogin Karim Benzema, Sergio Ramos, Fede Valverde iyo Dani Carvajal oo dhamaantood dhaawac ah.

Zinedine Zidane oo warbaahinta la hadlay kaddib markii ay soo dhamaatay ciyaartii 2-1 lagu garaacay ee xalay, ayaa waxa uu ku margaday su’aal laga weydiiyey dhibaatada kooxdiisa haysata, waxaanu ku gaabsaday in aanu xataa isagu garanayn.

Wariyaha ayaa weydiiyey inuu sharraxaad ka bixiyo waxa kooxdiisa ka si’ noqday, waxaanu Zidane ku jawaabay: “Anigu ma sharrixi karayo. Caawa (xalay), waqtigii wanaagsanaa ayaanu ku beddelanay waqti xun. Markii ay goolka naga dhaliyeen ciyaarta oo socota saddex daqiiqadood wax waliba way nagu adkaadeen.”

Mar la weydiiyey waxa uu u sheegayo ciyaartoyda kooxdiisa, si ay u helaan natiijooyin iyo bandhig joogto ah, waxa uu yidhi: “Aniga ayay tahay inaan helo xalka ciyaartoyda. Halkan waxba ugama sheegayo. Kaliya maaha inaynu dhinaca taban u fikirno, balse waa inaynu eegno waxa aanu qabanay iyo inaanu isku dayno inaanu joogtayno.”

Shan daqiiqadood markii ay ciyaartu socotay ayaa Alaves loo dhigay rikoodhe uu gool u beddelay Perez kaddib markii ay kubaddu gacan kaga dhacday Nacho, waxaanu rikoodhani noqday midkii shanaad ee saddex ciyaarood gudahood lagu dhigo, dhamaantoodna laga dhaliyo Real Madrid. Goolka labaad ayaa ahaa mid uu Thibaut Courtois baas qaldan u dhiibay ciyaartoy kale oo goolka oo madhan kubadda ku celiyey.

“Sidii ugu xumayd ayaanu ku bilaabanay xili ciyaareedka. Waxaanu beddeli kari la’nahay ciyaaraha isbeddelaya taas ayaa aniga dhibaato iyo walaac ba igu ah.” Ayuu yidhi Zidane.

Si kastaba, Los Blancos waxay u baahan tahay inay jidka guusha kusoo laabato Salaasada oo ay marti u noqon doonaan Shakhtar Donetsk, taas oo haddii ay ka badiyaan ay usoo gudbi doonaan wareegga 16ka tartanka Champions League.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More