Midowga Musharaxiinta Hogaamiyaha oo shir degdeg ku leh

Midowga Musharaxiinta Hogaamiyaha Soomaaliya ee 2021, ayaa maanta oo axad ah shir degdeg ah ku leh Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho, iyagoo kaga arrinsanaya xaalado soo kordhay, wixii ka dambeeyay shirkoodii todobaadkii hore.

- Advertisement -

Shirkan ayaa looga hadlayaa xaalada cakiran ee doorashada, adkeynta baaqyadooda iyo qorshayaal ay doonayaan in ay sameeyaan, si ay u sii wadaan cadaadiskooda dowladda dhexe ee Soomaaliya ee guddiga doorashada Soomaaliya.

Ilo ku dhow dhow shirka ayaa sheegaya in Midowga Musharaxiinta ay qorsheynayaan dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed oo ay ka sameeyaan Muqdisho sida bannaan baxyo iyo shirar ballaaran oo ka dhan ah dowladda Federaalka.

Musharixiinta Hogaamiyaha Soomaaliya ayaa cambaareeyay khudbad uu dhawaan jeediyay Maayarka magaaladda Muqdisho Cumar Finish oo ay sheegeen in uu ku hanjibay dilkooda.

“Golaha Midowga Murashaxiinta wuxuu dhab u qaadanayaa hanjabaadda Guddoomiyaha Gobolka in ay tahay farriin ka timid Hogaamiye Farmaajo toosna ugu socota xubnaha Midowga Murashaxiinta” ayay ku sheegeen bayaan ay soo saareen.

Khamiistii ayaa kulan u muuqday mid la soo abuubulay ayaa waxaa ka hadlay masuuliyiin uu ugu sareeyo gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo sheegay in ay gacan bir ah ku qabanayaan musharixiinta hadii ay qaadaan talaabooyin ‘lagu qalqal galinayo caasimadda wadanka’

Todobaadkii hore ayay aheyd markii Midowga Musharaxiinta war saxaafadeed ay ka soo saareen shir muddo 5 cisho socday ay ugu baaqeen dowladda Federaalka in ay kala dirto Guddiyada doorashada, sidoo kale ka dalbaday inuu xilka banneeyo Taliyaha Nabadsugida, waxaa kaloo Musharaxiinta ka digeen haddii dowladda ku adkeysato in ay sameyso doorasho aan loo dhameyn in ay sameyn doonaan hannaan doorasho oo ‘dalka lagu badbaadinayo’.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More