Sababta Garoomada Chelsea & Arsenal Taageerayaal Loogu

Taageerayaasha kubada cagta ayaa loo ogolaaday inay dib ugu soo laabtaan garoomada Premier League Arbacada isbuuca danbe laakiin kumanaan taageerayaal ah ayaan heli doonin fursadaas.

Wasiirka Dhaqanka UK Oliver Dowden ayaa shalay xaqiijiyay in la qaadayo xayiraadii lagu soo rogay Ingariiska 2da bisha December.

Tirada taageerayaasha loo ogolaanayo garoomada ayaa sidoo kale la xadiday iyadoo tirada ugu badan ee garoon geli kara ay tahay afar kun taageerayaal ah, waxaa ku xiga kaliya labo kun taageerayaal ah.

Laakiin garoomada kooxaha Premier League ma ahan kuwa u siman fursadaan cusub ee ay dhaqaale ku heli karaan, iyadoo loo kala saaray seddex qeybood.

Kooxaha ka dhisan magaalooyinka uu ku yar yahay cudurka Korona Fayras waxaa loo ogol yahay inay garoomadooda soo galaan tirada ugu badan ee 4 kun taageerayaal ah.

Kaliya labo kooxood ayaa nasiibkaas yeelatay waana kooxaha Southampton iyo Brighton oo 4 kun taageerayaal ah soo gelin kara garoonkooda.

Sideed kooxood kale ayaa loo ogol yahay inay min labo kun taageerayaal ah garoonkooda soo geliyaan madaama ay ka dhisan yihiin magaalooyinka uu cudurka saameeyay balse aan aad u darneyd.

Kooxaha London ka dhisan ayaa fursadaan helay oo ay ka mid yihiin Chelsea, Arsenal, Tottenham, West Ham, Crystal Palace iyo Fulham, waxaa iyagana fursadaan helay kooxaha Leicester iyo Newcastle.

Tobanka kooxood kale ee ka dhisan bartamaha iyo waqooyiga UK wax fursad ah uma heystaan inay taageerayaal soo galaan garoomadooda madaama magaalooyinka ay ka dhisan yihiin uu si weyn u baahay cudurka Korona Fayras.

Waxaa ka mid ah kooxaha aan loo ogoleyn inay taageerayaal soo geliyaan garoonkooda kooxda difaacaneysa horyaalka ee Liverpool, labada kooxood ee Man United iyo Man City, Everton, Leeds, Aston Villa, Wolves, West Brom, Sheffield United iyo Burnley.

Ilaa iyo inta laga xakameynayo cudurka Korona Fayras ee magaalooyinka Liverpool iyo Manchester, waxay kooxahaan ku ciyaari doonaan garoomo albaabka u xiran yihiin.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More