Ronaldo & Jota Oo Guul Soo Laabasho Ah Ku

Diogo Jota iyo Cristiano Ronaldo ayaa shabaqa soo taabtay iyagoo ka caawiyay xulka Portugal inay guul soo laabasho ah ka gaaraan xulka wacdaraha dhigaya sannadkan ee Luxembourg kulan ka tirsanaa isreebreebka Koobka Adduunka.

Luxembourg ayaa Sabtidii soo garaacday Republic of Ireland, waxayna gool uga naxsadeen caawa xulka Portugal markii uu kubad madax aheyd hogaanka ugu dhiibay Gerson Rodrigues.

Laakiin weeraryahanka Liverpool Diogo Jota ayaa gool madax ku dhaliyay oo u barbareeyay Portugal dhamaadkii qeybta hore.

Ronaldo ayaa bilowgii qeybta labaad hogaanka u dhiibay Portugal iyadoo guusha uu xaqiijiyay Joao Palhinha.

Ka hor goolkaas Jota ayaa kubad madax aheyd birta ku garaacay halka Ronaldo uu isaguba dhalin karay gool labaad laakiin uu ku guuldareystay inuu shabaqa ka soo taabto goolhaye Anthony Moris oo uu labo jeer kubada la kor tagay.

Luxembourg ayaa 10 ciyaaryahan noqotay dhamaadkii iyadoo uu jaale labaad ka qaatay Maxime Chanot oo qalad ku galay Renato Sanches.

Guushaan waxay ka dhigeysaa in Portugal ay todoba dhibcood ku hogaamineyso Group A iyagoo ku dhibco ah Serbia oo ay barbaro 2-2 ah soo wada galeen isbuucaan.

Dhanka kale xulka Netherlands ayaa todoba gool ku xasuuqay xulka yar ee Gibraltar ka dib wacdarro ay dhigeen qeybtii labaad ee ciyaarta.

Waxaa hogaanka u dhiibay seddex daqiiqo ka hor waqtigii nasashada Steven Berghuis.

Memphis Depay ayaa labo gool dhaliyay halka ay shabaqa soo taabteen Luuke de Jong, Georginio Wijnaldum iyo xiddigaha bedelka ku soo galay Donyell Malen iyo Donny van de Beek.

Xulka Netherlands waxay kaalinta labaad kaga jiraan Group G iyagoo dhibic ka danbeeya Turkiga kuwaasoo barbaro 3-3 la soo galay xulka Latvia halka Norway oo Group-kaan ku jirta ay 1-0 ka soo badisay Montenegro.

Dhanka kale xulka Belgium ayaa sideed gool iyo waxba ku xasuuqay xulka Belarus kulan kale oo ka tirsanaa isreebreebka Koobka Adduunka.

Michy Batshuayi ayaa hogaanka u dhiibay ka hor inta uusan Hans Vanaken ka dhigin ciyaarta 2-0 oo ay ku hogaamineysay xulka kaalinta 1aad kaga jira qiimeynta FIFA.

Trossard ayaa gool qurux badan ku seddexleeyay ka hor inta uusan Jeremy Doku ka dhigin 4-0 ka hor waqtigii nasashada.

Praet ayaa dgaliyay goolka shanaad halka goolal soo daahay ay dhaliyeen Christian Benteke, Trossard iyo Vanaken oo dhameystiray xasuuqa.

Natiijadaan waxay ka dhigeysaa in Belgium ay todoba dhibcood ku hogaamineyso Group E ka dib seddex kulan oo ay ciyaareen.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More