Real Madrid Oo Heshay Dhaliye Dabiici Ah, Ancelotti Oo Xeelad

Real Madrid ayaa diiraddeeda ku jeedisay weeraryahanka reer England ee Dominic Calvert-Lewin oo ay isku diyaarinayaan inay ka gudbiyaan dalab £50 milyan oo Gini ah, isla markaana uu tababare Carlo Ancelotti uga yeedhanayo Santiago Bernabeu.

Ancelotti oo dhowaan ka tegay Everton, dibna ugu laabtay Real Madrid oo sannadkii 2014 uu la qaaday Champions League ayaa raadinaya weeraryahan toos ah oo ka garab ciyaara Karim Benzema, kaas oo xataa boos helaya haddii ay Los Blancos xaqiijiso saxeexeeda riyada ee Kylian Mbappe.

24 jirkan aya xilli ciyareedkii tegay waxa uu Everton u dhaliyey 21 gool oo dhamaan tartamada ah, waxaanu haystaa kalsoonida tababare Carlo Ancelotti oo rumaysan inay is-qaadanayaan Karim Benzema haddii kooxda uu yimaaddo Mbappe na uu u dhexayn karayo labada weeraryaan ee reer France.

Sida uu qoray wargeyska The Sun, mulkiilaha Everton ee Farhad Moshiri ayaa ogolaan doona dalab lacageed oo gaadhaya £50 milyan oo Gini si uu iskaga fudaydiyo culayska dhaqaale ee haysta.

Warka ayaa intaa ku daray, in Everton ay labadii sannadood ee ugu dambeeyey gashay khasaare gaadhaya £240 milyan oo Gini, taasina ku riixayso inay iibiyaan qaar ka mid ah ciyaartoydooda ugu wanaagsan.

Los Blancos ayaa sidoo kale la sheegay in ay danaynayso weeraryahanka reer Germany ee Kai Havertz oo ay Blues 12 bilood ka hor kusoo iibsatay £47.5 milyan oo Gini.

Real Madrid ayaa weeraryahankeeda ugu weyn uu yahay Karim Benzema oo aan haysanin beddel wanaagsan, halka Eden Hzard uu noqday saxeex fashil ah illaa hadda iyo Vinicius Junior oo aan dhaliye ahayn.

Luka Jovic oo Real Madrid ay lacag badan kasoo bixisay si uu Benzema beddel ugu noqdo ayaa la qabsan waayey kooxda, waxaanay laacibka reer Serbia dib amaah ugu siisay kooxdiisii hore ee Eintracht Frankfurt.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More