RASMI: Waqtiga Ay Ciyaarayaan Barcelona vs Real Madrid Kulamadooda

Isku-aadka horyaalka waddanka Spain ee La Liga ee xilli ciyaareedka 2021/22 ayaa la shaaciyey, waxaana markiiba laga dhex-calaamadiyey xilliyada ay ciyaari doonaan kooxaha waaweyn ee saddexda ah ee Barcelona, Real Madrid iyo Atletico Madrid.

Labada kooxood ee isku magaalada ah ee Real Madrid iyo Atletico Madrid ayaa kulankooda hore waxay ciyaari doonaan December, waxaanu kulankooda dambe noqonayaa bisha March xilli horyaalku dhamaad kusii dhowaanayo.

Kulamada xiisaha badan ee kooxaha ku xafiiltamaya horyaalka ee Barcelona iyo Real Madrid ayaa la xaqiijiyey taariikhaha ay dhici doonaan, laakiin waxa dib laga soo sheegayaa saacadaha.

El Clasico-da ugu horreysa xilli ciyaareedka ayaa dhici doonta October 24, waxaana ciyaartooda xigta loo muddeeyey shan bilood kaddib, laakiin waxay noqon doontaa taariikh u xun Real Madrid oo bil gudaheed ay la ciyaarayso Barcelona iyo Atletico Madrid.

Horyaalka Spain ee La Liga oo ay xilli ciyaareedkan kusoo biireen saddexda kooxood ee Espanyol, Real Mallorca iyo Rayo Vallecano, ayaa waxa uu bilaabmi doonaa August 15, waxaana lasoo afjari doonaa May 22 oo ay dhici doonaan kulamada ugu dambeeya xilli ciyaareedka.

Real Madrid ayaa kulankeeda ugu horreeya waxay safar ugu tegi doontaa Alaves maalinta horyaalku bilaabmayo ee August 15, halka Barcelona ay martigelin doonto Real Sociedad isla maalintaas.

Atletico Madrid ayaa iyaduna waxay difaacashada horyaalka ka bilaabi doontaa safar ay ugu tegayso Celta Vigo.

Goorma ayaa la ciyaarayaa Clasico?

Barcelona ayaa nasiib u yeelatay in garoonkeeda lagu ciyaaro kulanka ugu horreeya ee Clasico, waxaana garoonka Camp Nou ay ku qaabbili doontaa Real Madrid marka ay taariikhdu tahay October 24.

Laakiin Ronald Koeman iyo Ancelotti oo markii ugu horreysay iska hor imanaya, waxa kulankooda labaad ee El Clasico uu ka dhici doonaa garoonka Real Madrid marka ay taariikhdu tahay March 20. Kulankan oo ka dhici doona Madrid lama hubo in Santiago Bernabeu lagu ciyaari doono oo dhismihiisu dhamaan doono, halka ay wararku sheegayaan in Madrid ay doonayso in garoonka Atletico ee Wanda Metropolitano ay hoy ka dhigato inta garoonkeeda la dhamaystirayo. Garoonkii hore ee xilli ciyaareedkii 2020-21 ay Real Madrid ku ciyaaraysay ee Alfredo Di Stefano ayaa la sheegay inay ka guuri doonto.

Goorma ayay dhacayaan Madrid Derby?

Kulanka u horreeya ee Madrid derby ee Atletico iyo Real, waxa uu dhici doonaa December 12, 2021, waxaanu qorshuhu yahay in lagu ciyaaro Santiago Bernabeu, haddii la dhamaystiro.

Ciyaarta labaad waxay ka dhici doontaa Wanda  Metropolitano marka ay taariikhdu tahay May 8, 2021.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More