RASMI: Magacyada Xiddigaha Manchester United Ee U Safray Spain &

Anthony Elanga ayaa lagu daray liiska ciyaartoyda Manchester United ee u safray waddanka Spain oo ay lugta hore ee wareegga siddeedda Europa League kula soo ciyaarayso Granada.

Da’yarkan ayaa markii ugu horreysay ka mid noqonaya ciyaartoyda kooxda koowaad oo horraantii toddobaadkan loogu yeedhay in uu la tababarto, iyadoo lagu qoray liiska B.

Elanga oo ay da’diisu tahay 18 jir ayaa dhowaan heshiis waqti dheer ah qalinka ku duugay, kaddib markii uu kasoo doogay dhaawacyo kusoo noqnoqday.

Weeraryahankan reer Sweden oo hore ugu guuleystay abaal-marinta xiddiga sannadka ee Jimmy Murphy Younger Participant ee Manchester United oo xilli ciyaareedkii hore la siiyey ayaa ka mid ah xiddigaha ay da’doodu ka hoosayso 23 jirrada ee Manchester United oo 12 ciyaarood oo uu u saftay uu u dhaliyey lix gool, kuwaas oo laba ka mid ah ay horyaalka Premier League ee da’yarta ahaayeen, afarta kalena tartanka EFL Trophy.

Ole Gunnar Solskjaer oo ay kooxdiisu gellinkii dambe  ee Arbacadii maanta u safartay waddanka Spain ayaa habeen dambe kula ciyaari doonta Granada, waxaana macallinka ka farxiyey Marcus Rashford oo kasoo kabtay jugo kasoo gaadhay kulankii Brighton oo laga saaray xilli ay  kooxdiisu goolka guusha  raadinaysay.

Rashford ayaan tababarka kooxdiisa joogin Salaasadii, wuxuuse kasoo xaadiray tababarkii saaka, ka hor intii aanu Ole go’aanka kama dambaysta ah gaadhin.

Manchester United ayaa waxa ciyaartan dhaawac kaga maqan weeraryahanka reer France ee Anthony Martial oo dhaawac jilibka ah qaba, isla markaana uu tababare Solskjaer tilmaamay inuu xilli ciyaareedkan oo dhan maqnaanayo.

Xiddigaha Manchester United ee kulanka Granada waxa kale oo ka maqan Eric Bailly oo uu ku dhacay Korona Fayras intii uu ku maqnaa ciyaaraha xulka qarankiisa Ivory Coast, walina aan kusoo laabanin UK.

Juan Mata iyo Alex Telles ayaa kasoo kabtay dhaawacyo ay qabeen, kana mid noqday xiddigaha United, halka Phil Jones uu wali dhaawac ku maqan yahay.

Xiddigaha Manchester United ee kulanka Granada:

Goolka : David de Gea, Dean Henderson, Lee Grant, Nathan Bishop.

Difaaca : Victor Lindelof, Harry Maguire, Luke Shaw, Alex Telles, Axel Tuanzebe, Aaron Wan-Bissaka, Brandon Williams.

Dhexda : Amad, Bruno Fernandes, Fred, Daniel James, Juan Mata, Nemanja Matic, Scott McTominay, Paul Pogba, Donny van de Beek.

Weerarka: Edinson Cavani, Anthony Elanga, Mason Greenwood, Marcus Rashford.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More