RASMI: Liverpool Oo Xaqiijisay Inuu Ka Tegay Mid Ka Mid Ah Ciyaaryahanadda

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa shaacisay inuu ka tegay mid ka mid ah ciyaartoydeeda kooxda koowaad oo amaah ay ku direen isagoo muddo kooban joogay Anfield.

Ben Davies oo ay Liverpool soo iibsatay bishii January markii ay ku dhacday musiibada dhaawacyadu, ayaa waxa uu amaah ku tegay kooxda dhowaanta heerka labaad u dhaadhacday ee Sheffield United oo uu u ciyaari doono illaa laga gaadhayo bisha June ee sannadka dambe.

Tababare Jurgen Klopp ayaa markii ay ka dhaawacmeen Virgil van Dijk, Joe Gomez iyo Jeol Matip waxa uu ku qasbanaaday inuu suuqa u galo difaacyo cusub, waxaanu Preston kala soo wareegay Ben Davies, halka ay Ozan Kabak amaah kaga soo qaateen Schalke 04.

Laakiin Davies ayay Liverpool ku hungowday wixii ay usoo iibsadeen iyadoo uu gaadhsiisaan waayey heerkii tayada ee ay ka doonayeen.

Liverpool ayaa hore u diidday in heshiiska ay ku darto qodob Sheffield United u ogolaanaya in ay iibsan karto, waxaanay doorbiday in sannadka uu amaahda ku maqan yahay uu soo helo khibrad iyo tayo ciyaareed oo uu mustaqbalka ugu dheeli karo Reds.

Tababare Klopp ayay kooxdiisu heli doontaa £500,000 Gini oo ay ka qaadi doonto Sheffield United oo sidoo kalena bixinaysa mushaharka laacibkan ee muddada sannadka ah ee uu u ciyaarayo.

Heshiiska waxa kale oo ku jira qodob dhigaya in Sheffield United ay bixiso £500,000 Gini oo kale haddii ay ku guuleysato in ay usoo dallacdo heerka koowaad dhamaadka xilli ciyaareedka

Slavisa Jokanovic oo ah tababaraha Sheffield United oo hore ugu soo layliyey Davies kooxaha York, Tranmere, Southport, Newport iyo Fleetwood ayaa ku qancay kartida laacibkan, waxaanu maamulka kooxdiisa ku riixay in ay ka shaqeeyaan saxeexiisa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More