RASMI: Garsooraha Dhexdhexaadinaya Kulanka Real Madrid vs Liverpool Oo

UEFA ayaa shaacisay garsooraha qaban doona kulanka adag ee ay Salaasada ku ballansan yihiin Real Madrid iyo Liverpool ee lugta hore ee wareegga siddeedda Champions League ee ka dhacaysa garoonka Estadio Alfredo Di Stefano.

Garsooraha kulankan qabanaya ayaanay isku cusbayn Real Madrid iyo Liverpool intaba, waxaanu leeyahay khibrad dheer iyo kalsooni ay ku qabaan inta badan kooxaha Yurub iyadoo ay u dheer tahay in uu soo qabtay kulamo waaweyn oo ay ku jiraan Koob Adduun.

Garsooraha reer Germany ee Felix Brych ayaa loo doortay in uu dhexdhexaadiyo ciyaartan adag, waxaana la shaqayn doona Mark Borsch iyo Stefan Lupp oo u noqon doona calan-wadeyaasha dhinacyada, halka uu garsooraha VAR noqonayo Marzo Fritz.

Felix Brych oo ay da’diisu tahay 45 jir, ayaa garsooreyaasha caalamiga ah ee la ixtiraamo ka mid ahaa tan iyo sannadkii 2007, laakiin Real Madrid ayaanu u lahayn xasuus wanaagsan, sababtuna waxay tahay inuu ahaa garsoorihii hayey ciyaartii Manchester City ay ku garaacday xilli ciyaareedkii hore 2-1 ee ay kaga reebtay tartanka Champions League.

Kulankan ayaa noqon doona ciyaartii toddobaad ee ay Real Madrid ku lug leedahay ee uu Felix Brych qabto.

Felix Brych oo ah khabiir sharci oo takhasus ah laakiin u baydhay garsoorka ciyaaraha ayaa hore usoo qabtay kulamadan ay Real Madrid dheeshay:

1. Xili-ciyaareedkii 2009-10: Real Madrid 1-1 AC Milan – San Siro – wareeggii groups-ka.

2. Xilli-ciyaareedkii 2010-11: Real Madrid 4-0 Tottenham – wareegga siddeedda.

3. Xilli ciyaareedkii 2011-12: Real Madrid 3-0 APOEL – wareegga siddeedda.

4. Xilli-ciyaareedkii 2012-13: Real Madrid 1-1 Manchester United – wareegga 16ka

5. Xilli ciyaareedkii 2013-14: Real Madrid 2-0 FC Copenhagen – wareegga Groups-ka

6. Xilli-ciyaareedkii 2014-15: Real Madrid 1-0 Atletico Madrid – wareegga siddeedda

7. Xilli-ciyaareedkii 2019-20: Real Madrid 1-2 Manchester City – wareegga 16-ka.

Xusuustii guusha ee Felix Brych ee Cardiff

Garsoore Felix Brych ayaa hayey ciyaartii finalka Champions League ee xilli ciyaareedkii 2016/17 ee Real Madrid ay koobka kaga qaadday Juventus.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More