RASMI: Barcelona Oo Ku Dhawaaqday Saxeexeedii Ugu Horreeyey Intii Uu

Barcelona ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday saxeexii ugu horreeyey ee ay samayso tan iyo markii uu ka tegay kabtankeedii Lionel Messi oo toddobaad ka hor uga wareegay PSG, kaddib markii ay u sheegtay in duruufo dhaqaale darteed aanay heshiis cusub siinayn.

War-saxaafadeed ay soo saartay Barcelona ayay ku sheegtay, in ay dib ula soo saxeexatay ciyaartoygeedii hore ee difaaca uga ciyaari jiray ee Guillem Jaime oo u saxeexay heshiis sannad ah.

Guillem Jaime oo ay da’diisu tahay 22 jir, kana soo baxay kulliyadda da’yarta ee La Masia oo uu ka tirsanaa tan iyo markii ay da’diisu ahayd toddoba jir, ayaa waxa uu dib ugu soo laabtay Camp Nou kaddib laba sannadood oo uu ka maqnaa.

Difaacan midig oo 14 sannadood ka tirsanaa Barcelona, una saftay 40 kulan oo kooxda heerka labaad ee Barca B iyo heerarka ksii hooseeya oo uu kula guuleystay  UEFA Youth League sannadkii 2018, ayaan marna u ciyaarin kooxda koowaad kulan tartan caadi ah, inkasta oo uu dhawr ciyaarood oo kulamadii saaxiibtinimo ee xagaagii 2019 kasoo muuqday.

Jaime ayaa go’aansaday xagaagii sannadkii hore in uu iskaga tago Barcelona sababtoo ah kuma aanu faraxsanayn in uu heshiis cusub u saxeexo kooxdan maadaama aanu ka helaynin boos joogto ah. Waxa uu waqtigaas ku biiray naadiga CD Castellon oo uu ku qaatay qaybtii hore ee xilli ciyaareedkii 2020/21 ka hor intii aanu qaybtii dambe uga wareegin kooxda kale ee reer Spain ee Gimnastic oo uu amaah ku joogay.

Heshiiskii uu 22 jirkani kula jiray kooxda CD Castellon oo sannad ahaa ayaa dhamaaday, waxaana fursad u heshay Barcelona oo dib ula soo saxeexatay. Tababaraha kooxda heerka labaad ee Barcelona ee Sergi Barjuan ayaa dalbaday saxeexa Jaime oo maanta si rasmi ah ay kooxdu ugu dhawaaqday, laakiin waxa uu rajaynayaa in uu kooxda koowaad na fursad ka helo.

Kaddib markii uu ka gudbay tijaabada caafimaadka ayay Barcelona soo saartay qoraal ay ku sheegayso in Jaime uu kusoo biiray kooxdeeda oo uu xilli ciyaareedkan ka tirsanaanayo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More