RASMI: Barcelona Oo Ku Dhawaaqday Heshiis Ay La Gaarey Neymar

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa shaacisay in ay heshiis la gaadhay xiddiga reer Brazil ee Neymar, kaas oo ku saabsan in la joojiyo khilaafkii iyo dacwaddii uu laacibkani kula jiray kooxdaas oo uu ka tirsanayay in ay siin waayeen lacago uu ku lahaa.

Arrintan ayaa soo afjaraysa sannado dacwado u dhexeeyeen labada dhinac, taas oo bilaabantay markii uu Neymar ku dacweeyey kooxda in aanay siinin musharooyinkii iyo gunnooyinkiisii uu waajibinayay heshiiskii uu kooxdaas kula jiray sannadkiisii ugu dambeeyey ee uu tegayay Paris Saint-Germain.

Barcelona iyo qareennadeeda ayaa waxay bilihii ugu dambeeyey ku jireen wada-xaajood iyadoo ay kooxdu ay Neymar ka dalbanaysay 16.7 milyan oo Euro oo ah magdhow iyo kharashaadka dacwadda, halka uu ciyaaryahankuna codsadayay 47.2milyan oo Euro oo uu rumaysnaa inay yihiin mushaharooyin iyo gunnooyin aan la siinin.

Neymar oo Barcelona ka tegay sannadkii 2017kii, kuna biiray PSG ayaa waxa heshiiskii uu kula jiray Barca waxa loo turjumay siyaabo kala duwan, gaar ahaan qodobbo yimid markii uu heshiiska cusub u saxeexay kooxda reer Spain ka hor intii aanu tegin. Qodobbadan ayaa waxa ka mid ahaa kuwa la xidhiidhay lacagta uu ku helayay saxeexidda heshiiska cusub iyo arrimo kale oo dhinaca canshuuraha ah.

Ugu dambayntii, Isniintii maanta ee Juy 26 ayaa arrintan lasoo gabogabeeyey, waxaanay labada dhinac ku heshiiyeen in lasoo afjaro dacwadaha oo aan la lumin xidhiidhkii saaxiibtinimo ee u dhexeeyey.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More