Raphinha Oo Barcelona Ka Caawinaya Saxiixa Xiddig U Ciyaara Man United

Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay bixiso €10m (£8.5m) oo lagu daray Raphinha si ay u hesho mid ka mid ah xiddigaha soo koraya ee Manchester United suuqa kala iibsiga ee xaggaagan.

Raphinha ayaa labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay ku qaatay Camp Nou tan iyo markii uu 55 milyan oo euro kaga soo biiray Leeds United, wuxuuna u saftay 87 kulan kooxda tartamada oo dhan, isagoo u dhaliyay 20 gool, caawiyena ka noqday 25 kale.

Raphinha ayaa 17 kulan oo uu ku soo bilowday horyaalka La Liga xilli ciyaareedkii hore, waxaana sabab u ah soo ifbaxa da’yarta Lamine Yamal iyo ku biirista Joao Felix oo amaah uga yimid Atletico Madrid,  kaas Oo ay Barcelona doonayso in ay joogto ula wareegto.

Xiddiga reer Brazil ayuu 3 Sano uga dhiman yahay heshiiskiisa Barcelona laakiin waxa lala xidhiidhinayaa in uu isaga tagayo kooxda.

Sida Laga Oo xigtay  El Nacional, Barcelona ayaa Doonaysa in ay iska dirto xiddiga suuqa Xagaaga laakiin wali ma helin dalabyo ay ku qanacdo.

Barcelona ayaa lagu Soo waramayaa in ay Raphinha u adeegsan Doonto Soo Xero galinta xiddiga man United ee Kobie Mainoo.

Barcelona ayaa diyaarinaysa dalab lacag ah Ee kor ku xusan iyo waliba xiddiga Raphinha si ay u hesho Kobie Mainoo.

 

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More