Portugal Oo Loo Sheegay In Ay Kaydka Dhigaan Ronaldo Tartanka Euro 2024

Paul Merson ayaa ku booriyay Portugal inay qaataan go’aanka adag ee ah inay kursiga keydka dhigaan Cristiano Ronaldo bilowga Euro 2024.

Ronaldo ayaa ciyaari doona tartankii 6-aad Euro-da kadib markii uu 18 bilood ku qaatay horyaalka sucuudiga isla markaas dhaliyay 64 ool.

Xiddiga 39 jirka ah ayaa ah xiddiga ugu fiican taariikhda Portugal waxana uu ciyaari doonaa tartanka Euro isaga oo isha ku haya in uu sii dheeraysto taariikhdiidsa.

Laakiin Merson ayaa aaminsan  uu Ronaldo ku bilowdo kaydka kulamada xulkiisa ee tartanka.

“Waxa ay haystaan xiddigo badan oo tayo leh waxana aan qabaa in ay tartan fiican ciyaari doonaan”.

“Waxa aan filayaa in uu Ronaldo ku jiro wakhtiyadii ugu dambeeyay ee xirfadiisa sidaas darteed waa in ay marka hore go’aansadaan u soo bixista euro kadib ciyaarsiiyaan Ronaldo”

“Waxa aan shaqsi ahaan aaminsanahay in uu Ronaldo kaydka galo kulamada ugu horeeya ee Euro 2024”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More