Pep Guardiola Oo Qirtay Dhibaato Aanu Kala Kulmin Man City Balse Uu

Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa sheegay dhibta uusan ku qabin kooxdaas balse uu ku qabi lahaa kooxaha kale ee magac ahaan weyn sida Barcelona, Real Madrid, Manchester United iyo Liverpool.

Arinta dhib la’aanta ah ee uu Pep sheegay inuu ku qabo City ayaa ah inaan la saarin cadaadis ah inuu ku guuleysto UEFA Champions League walow uu fursadaas haysto berrito marka ay Final-ka tartankaas Chelsea kaga hortagayaan.

City ayaa ah kooxdii saddexaad ee uu Guardiola maamulo waayihiisa ciyaareed isla markaana ah kooxda uu mudada ugu dheer tababarfaha usoo ahaa.

Markii ugu dambaysay ee uu Guardiola kusoo guuleystay Champions League ayaa ahayd sanadkii 2011 isaga oo kooxdiisii Barcelona ku hoggaamiyay.

Guardiola ayaa haysta fursada uu Sabtida berri ah koobkaas ku heli karo isaga oo haddii uu qaado bar-barayn doona Zinadine Zidane, Carlo Ancelotti iyo Bob Paisley oo min saddex jeer hore ugu soo guuleystay.

Laakiin wali Pep ayaan dareemayn inuu wax cadaadis ah oo weyni ku saarnayn inuu ku guuleysto koobkaas balse uu cadaadisku intaas kaga badan lahaa haddii uu kooxo kale oo waaweyn maamuli lahaa.

Guardiola oo waraysi ii BT Sport ku siiyay Rio Ferdinand ka hadlayay ayaa hadalkiisa ku bilawday “Anigu halkan umaan iman sababtoo ah inay kooxdu i tidhi ‘Waa inaad Champions League ku guuleysato”

“Haddii aan tagi lahaa United, Liverpool, Barcelona, Real Madrid, waxaad markasta maqli lahayd ‘Waa inaad ku guuleysataa Champions League”

“Anigu cadaadiskaas kuma dareemo halkan, cadaadiska kaliya ee aan halkan ku dareemo miyaa? waa inaad kooxdaada u ciyaarsiiso sidii aad kula wareegtay”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More