MA HUBTAA? Xiddig Man City Ah Oo Quudhsaday Dhulkana La Galay Chelsea

Garabka weerar ee kooxda Manchester City ee Raheem Sterling ayaa u muuqda mid quudhsaday dhigooda Chelsea kahor Final-ka Champions League ee labada kooxood magaalada Porto ku dhex maraya Sabtida berri ah.

- Advertisement -

Man City ayaa markeedii ugu horreysay gaadhay Final-ka Champions League waana markoodii ugu horreysay ee ay Final-ka koob Yurub ah gaadheen 51 sano kaddib iyaga oo jabiyay rekoodhka kooxda wakhtiga ugu dheer ku qaadatay gudaha laba Yurub Final.

Kooxda tababare Pep Guardiola ayaa xilli ciyaareedkan 11 kulan guulo kasoo heshay Champions League, guul ay gaadhaan Final-ka ayay ku jabin doonaan rekoodhka 12-ka guulood ee Real Madrid dhigtay 2001-02 walow ay Madrid wakhtigaas 17 kulan ciyaartay halka ay City 13 kulan ka ciyaartay xilli ciyaareedkan.

Haddaba, Raheem Sterling oo hadlay kulanka kahor ayaa sheegay in cida kaliya ee koobkaas kahor joogsan karta inay ku guuleystaan ay isla iyaga nafahooda yihiin balse aysan Chelsea koobka kahor istaagi karin.

“Hadda waa inaan diirada saarno ku guuleysiga koobkaas, waxa kaliya ee na joojin kara ayaa ah nafahayaga, haddii aan daacad u hadlo” ayuu ugu horreynba yidhi Raheem.

“Iyaga waxaanu la ciyaarnay laba jeer (Inta uu Thomas Tuchel joogay) labada jeerna waa nalaga adkaaday laakiin kani waa Final-ka Champions League”

“Maalintaas arrimuhu waa kuwo aad uga duwan sidii hore, waxaad la tagaysaa maskax caafimaad qabta, kulamadaas dhawaan dhacay daaqada ayay ka baxayaan”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More