Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

Kepa Arrabalaga oo Digniin Culus U Diray Goolhayaha Chelsea

Goolhayaha booskiisa luminaya ee Chelsea ee Kepa Arrizabalga ayaa ballan ku qaaday inuu dib u xoogsan doono booskiisii oo uu soo ceshan doono, xilli uu yimid Mendy oo durba la wareegay goolhayenimada koowaad ee kooxda.Kepa oo ay Blues £71 milyan oo Gini kagala soo wareegtay Athletico Bilabo sannadkii 2018kii ayaa waxa hore kaydka u geliyey Willy Caballero oo ka faa’iidaystay qaladaad badan oo uu sameeyey 25 jirka reer Spain, laakiin waxa mugdi sii geliyey imaatinka Edouard Mendy.Laacibka uu goolhayaha 39 jirka ahi kaydka…

Xiddigaha Waaweyn Ee Koox La’aanta Ah Ee Lala Saxeexan Karo

Isniintii ayaa uu xidhmay suuqa iibka ciyaartoydu, iyadoo ay kooxaha waaweyn si fiican uga adeegteen intii uu dhaqaaluhu u saamaxay, balse jirta fursad kale oo wali lagu heli karayo ciyaaryahanno wanaagsan oo waliba khibrad badan leh.Premier League ayaa kharash gareeyey lacag dhan £1.24 bilyan waxaanay hadda heli karayaan xiddigo waayo arag ah oo ay safafkooda kusii xoojiyaan iyadoo aanay kaga bixin lacag mushaharkooda ka baxsan.Labada ciyaartoy ee reer England ee Jack Wilshere iyo Danny Welbeck ayaa ka tegay West Ham United…

Horyaalka Premier League Oo Dhamaadkiisa La Saadaaliyey, Man

Saadaal cusub ayaa laga sameeyey horyaalka Premier League kaddib markii uu soo xidhmay suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaagan, waxaana si gaar ah loo dul istaagay koox walba iyo halka ay kaga dhamaysan doonto horyaalka marka uu xili ciyaareedku soo xidhmi doono horraanta bisha May ee sannadka dambe.Manchester United oo la kulantay guul-darro 6-1 ah oo Tottenham u geysatay iyo Liverpool oo ay Aston Villa ku xasuuqday 7-2 ayaa indhaha soo jiitay, waxaanay labadan natiijo saamayn ku yeelan karayaan sida ay kooxahani noqon karayaan…

Shaxda Adag Ee Manchester United Ay Ku Ciyaari Doonto Kaddib

Edinson Cavani iyo Alex Telles ayaa kasoo muuqan kara kulanka ugu soo horreeya ee Manchester United ee horyaalka Premier oo ay la ballansan yihiin Newcastle United marka laga soo laabto toddobaadka fasaxa ay horyaalladu ku jiraan ee ciyaaraha caalamiga ah lagu maqan yahay.Ole Gunnar Solskjaer ayaa labadan ciyaartoy kusoo bilaabi kara safkiisa kulanka Magpies ee October 17 oo ay u halgami doonaan inay jidka guusha kusoo laabtaan kaddib burburkii 6-1 ahaa ee Tottenham ay Axaddii ugu geysatay isla garoonkooda Old…

Man United Oo Shaacisay Lambarka Uu Xiran Doono Edinson

Kooxda Manchester United ayaa ku dhawaaqday in saxiixooda cusub Edinson Cavani inuu xiran doono maaliyada No.7 xilli ciyaareedkan, iyadoo maaliyadaan ay banaaneyd tan iyo markii uu ka tagay Alexis Sanchez oo Inter Milan ku biiray. Red Devils ayaa shalay oo aheyd maalintii ugu danbeysay suuqa kala iibsiga Yurub waxay ku guuleysatay saxiixa weeraryahanka waayo araga ah Edinson Cavani kaasoo si xor ah ugu biiray kooxda. Cavani ayaa isaga tagay PSG dhamaadkii xilli ciyaareedkii la soo dhaafay ka dib markii uu dhacay…

Tobankii Saxeex Ee Ugu Wanaagsanaa Ee Xagaagan Dhacay,

Suuqa iibka xagaaga 2020 ayaa xalay saqdii dhexe soo xidhmay, waxaana durba bilaabmay qiimaynta xiddigihii la kala iibsaday intii u dhaxaysay August 4 illaa October 5, muddadaas oo saxeexyadii ugu badnaa ay sameeyeen kooxaha Premier League.Khabiirka ciyaaraha Julio Maldonado ‘Maldini’ oo ka hawlgala wargeyska iyo idaacadda Marca ee waddanka Spain ayaa waxa uu qiimayn ku sameeyey dhamaan saxeexyadii dhacay xagaagan, waxaanu kasoo saaray tobankii ugu sarreeyey.Laacibiinta saxeexyadoodu ahaayeen kuwa ugu wanaagsan ayaa iskugu…

Xiddigii Chelsea Ee Timo Werner Oo Uu Ku Dhacay Korona

Xiddiga Chelsea ee Tiimo Werner ayaa laga saaray liiska ciyaartoyda xulka qaranka Germany ee isku diyaarinaya saddexda kulan ee caalamiga ah ee usbuuc-dhamaadkan iyo toddobaadka dambe, kaddib markii uu ku dhacay xanuunka halista ah ee Korona Fayras.Tababaraha xulka qaranka Germany ee Joachim Low ayaa sheegay in Timo Werner lagu sameeyey baadhitaano dhawr ah oo lagu hubinayey xaaladdiisa caafimaad kaddib markii ay kasoo muuqdaan claadamaha durayga (hargabka), laakiin aanay soo bixin natiijadii ugu dambeysay.Werner oo lagu…

Chelsea Oo Goor Dhow Kooxdeeda Ka Dirtay Xiddig Ay Xagaagan

Kooxda Chelsea ayaa amaah hal xilli ciyaareed ah ku fasaxday daafac ay xagaagan la soo wareegtay Malang Sarr kaasoo ku biiray kooxda reer Portugal iyadoo suuqa kala iibsiga Portugal uu xirmayo maanta. 21 jirkaan daafaca dhexe oo magac ku sameystay kooxda Faransiiska ee Nice islamarkaana u saftay 119 kulan horyaalka Faransiiska ayaa xagaagan si xor ah ugu biiray Chelsea ka dib markii uu dhamaaday qandaraaskiisii Nice. Malang Sarr ayaa qandaraas shan sannadood ah u saxiixay koxoda Chelsea iyadoo ciyaaryahanka iyo kooxda…

Mesut Ozil Oo Balanqaaday Inuu Bixinayo Mushaharka

Arsenal ayaa gaartay go’aan adag ka dib markii ay shaqada ka ceyriyeen ninkii ahaa astaantoodii garoonka ee lagu naaneesayay Gunnersaurus horaantii isbuucaan, madaama Korona Fayras uu sababay in shaqaale qaar la eryo si mushaharka ka baxa kooxda loo yareeyo.Jerry Quy oo ahaa nin ay jeclaayeen taageerayaasha Arsenal madaama uu ku labisan jiray Daynasoor muddo 27 sanno ah isagoo bilaabay shaqadaan sannadkii 1993kii.Warka shaqada looga ceyriyay ayaa waxaa cambaareeyay taageerayaasha Arsenal.Halyeeyga kooxda Paul Merson ayaa ka…

Seddex Xiddig Oo Ay Liverpool La Soo Wareegi Karto Ilaa 16ka

Inkastoo Liverpool ay ka aamusneyd suuqa kala iibsiga shalay oo uu soo xirmay hadana si fiican ayay uga soo adeegteen suuqa xagaagan.Liverpool waxay soo iibsaday daafaca bidix Kostas Tsimikas waxa ay sidoo kale ku soo dareen Thiago Alcantara iyo Diogo Jota.Waxaa su’aalo ka taagan tahay ka dib dhaawacii soo gaaray goolhaye Alisson in Liverpool ay u baahan tahay goolhaye cusub madaama aysan ku tashan karin Adrian oo todoba gool laga dhaliyay kulankii Aston Villa.Si kastaba Klopp ayaa ku faraxsan ciyaartoyda uu heysto iyadoo…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More