Real Madrid Oo Koox Ay Dunida Ku Qabsanayso Dhisaysa &

Kaddib markii uu suuqii xagaagu soo dhammaaday iyagoo aan gabi ahaanba wax lacag ah bixinin, Real Madrid ayaa la fahamsan yahay inay isku diyaarinayaan sanadka 2021 oo ay dhawr saxeex oo waaweyn suuqa ka doonayaan.

Haatan liiska xiddigaha da’yarta ah ee ay kooxdaasi doonayso inay dunida ku maamusho sanadaha soo socda ayuu kusoo baxay Giovanni Reyna oo ah 17 sano jir hibo weyn leh oo Borussia Dortmund ka tirsan.

Walow ay Haaland iyo Mbappe markasta ahaayeen xiddigaha bar-tilmaameedka ugu sarreeya usoo ahaa Los Blancos haddana wargeyska Marca ayaa sheegaya in madaxda Bernabeu ay isha ku hayaan Reyna oo mucjisada xigta ee kubadda cagta noqon kara.

Gio oo ah wiilka xiddigii hore ee Man City iyo Rangers ee Claudio ayaa kasoo dhalaalay horyaalka Bundesliga walow uu kaliya 17 sano jir yahay.

Da’yarka ree Maraykan ayaa shan kulan oo uu tartamada oo dhan ilaa hadda kasoo ciyaaray afar caawimo iyo laba gool kusoo sameeyay isaga oo saddexley caawin ah sameeyay ciyaartii ugu dambaysay.

Qorshaha suuqa ee Real Madrid ee 2021 ayaa noqon kara mid lamida sidii ay sanado badan kahor u shaqayn jireen markaas oo ay hal ciyaaryahan oo weyn la saxeexan jireen xagaa kasta.

Wakhtiyadii hore Los Blancos ayaa xiddigo waaweyn (Galatico) ahaan ula saxeexday Zinadine Zidane, Ronaldo Nazario, David Beckham, Luis Figo iyo kuwo kale oo badan mustaqbalkana waxa ay noqon kartaa Haaland, Reyna iyo Mbappe.

Real Madrid ayaa ilaa haatan hoggaanka u haysa horyaalka La Liga kaddib saddex guulood iyo hal bar-bardhac oo ay afar kulan kasoo heleen.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More