Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

Real Madrid Oo Dhirbaaxo Xanuun Kulul Ku Dhufatay Barcelona

Real Madrid ayaa Barcelona kaga guuleysatay saxeexa ciyaartoy da’da yar oo layaab leh, kaas oo ay ku loollamayeen intii lagu soo dhowaaday dhamaadka suuqa iibka ciyaartoyga ee caawa saqda dhexe lasoo afjarayo.Los Blancos ayaa suuqa xagaagan aan wax saxeexyo ah samaynin, waxaana kaliya furnaa albaabka laga baxayo, iyadoo iibisay Sergui Reguilon, Achraf Hakimi, James Rodriguez, dhawr ciyaartoy oo amaah ku maqnaa iyo kuwo kale oo da’yarteeda ku jiray.Sidoo kale, waxay amaah ku bixisay Gareth Bale, Dani Ceballos, Kubo, Reinier,…

Tii Horeba Tanaa Ka Daran!! Jose Mourinho Oo Cusbo Sii

Tababaraha Tottenham ee Jose Mourinho  ayaa cusbo sii mariyey dhaawacyada iyo nabarrada Manchester United ee uu ku gaadhsiiyey garoonka Old Trafford oo uu kaga adkaaday 6-1.United ayaa lagu bahdilay garoonkooda bandhig cajiib ahaa oo Spurs ay muujisay, iyadooi intii ay ciyaartu socotay ay qaladaad badan sameeyeen difaaca Manchester United ka hor intii aan kaadhka cas loo taagin Anthony Martial.Bruno Fernandes ayaa rikoodhe hoggaanka ugu dhiibay Man United, laakiin Heung-Min Song iyo Tanguy Ndombele ayaa kooxda martida ahayd…

Qiimeynta Ciyaartoyda Kulankii La Xasuuqay Liverpool, Xiddig

Ma jiro ereyo ku haboon oo lagu qeexi karo wixii caawa ku dhacay kooxda difaacaneysa horyaalka ee Liverpool kuwaasoo xasuuq 7-2 kala kulmay kooxda Aston Villa oo gaartay guusheedii labaad ee ugu weyneyd abid ee taariikhda Premier League.Liverpool ayaa soo bandhigtay qaab ciyaareedkii ugu xumaa ee lagu arko sannadihii u danbeeyay mana aysan u muuqin inay yihiin kooxda horyaalka qaaday xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.Goolhayahooda wuxuu ahaa been boode, daafacooda wuxuu ka jilcanaa muuska, khadkooda dhexe jahwareer ayaa…

Barcelona Oo Taako Ku Qabatay Sevilla, Coutinho Oo Guuldarro

Philippe Coutinho ayaa shabaqa soo taabtay iyadoo Barcelona ay barbaro 1-1 kala kulantay kooxda Sevilla oo marti u aheyd.Sevilla ayaa caawa soo bandhigtay qaab ciyaareed ay ku muujinayaan inay ka mid noqon karaan kooxaha u tartamaya hanashada horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan.Kooxda uu hogaamiyo tababare Julen Lopetegui waxay ku qaadatay kaliya sideed daqiiqo inay hogaanka u qabtaan ciyaarta markii karoos uu soo qaaday Suso uu qalqal ka dhex abuuray xerada goolka Barcelona iyadoo kubad auu helay Luuk de Jong kaasoo…

Juventus Oo Guul 3-0 Ah La Siiyay Ka Dib Markii Napoli Ay

Juventus ayaa guul 3-0 ah loo qoray ka dib markii kooxdii ay la ciyaari lahaayeen ee Napoli ay imaan weysay garoonka kulankoodii horyaalka Serie A madaama ay baqdin ka qabeen Korona Fayras.TV-yada baahin lahaa ciyaarta ayaa fariin ku soo qoray shaashada taasoo u qorneyd: “Waxaan sugeynaa kooxda martidaiyadoo ay baaqatay ciyaartii ka dhici laheyd garoonka Allianz Stadium.Kooxda tababare Gennaro Gattuso ayaa shalay laga mamnuucay inay u safraan magaalada Turin oo ay kulanka Serie A ku lahaayeen caawa.Waaxda caafimaadka ee…

Rikoodhyadii Iyo Xogtii Laga Diiwaangeliyay Kulankii Uu

Liverpool waa kooxdii ugu horeysay ee difaacaneysa horyaalka Ingariiska ee todoba gool laga dhaliyo kulanka horyaalka ah tan iyo markii Arsenal lagu sameeyay bishii September sannadkii 1953 kulan ay la ciyaartay Sunderland.Liverpool ayaa markii ugu horeysay laga dhaliyay todoba gool kulan horyaalka ah tan iyo bishii April 1963, markaasoo ay guuldarro 7-2 ka soo gaartay Tottenham.Markii ugu horeysay taariikhda labada kooxood, Liverpool iyo Manchester United ayaa laga dhaliyay lix gool ama ka badan hal maalin gudaheed.Xiddiga…

Aston Villa Oo TODOBA GOOL Ku Xasuuqday Liverpool, Reds Oo

Liverpool oo ah kooxda difaacaneysa horyaalka Premier League ayaa waxaa soo gaartay ceebtii ugu weyneyd ka dib markii ay xasuuq 7-2 kala kulmeen kooxda Aston Villa oo marti loo ahaa islamarkaana xilli ciyaareedkii hore si naf la caari ah uga badbaaday inay u laabato heerka labaad.Ciyaartoyda kooxda Liverpool ayaa caawa ilaaway gabi ahaanba sida kubad loo ciyaaro iyagoo u muuqday sida kooxda da’ yar ah oo la ciyaareyso koox heerka koowaad ah.Aston Villa ayaan wax iska caabin ah kala kulmin daafacyada Liverpool iyagoo weerar…

Patrice Evra Oo Dalbaday In La Kansalo Qandaraaskiisa Sky

Patrice Evra ayaa codsaday in la kansalay qandaraaskiisa khabiirnimo ee Sky Sports ka dib markii uu daawaday kooxdiisa hore ee Manchester United oo guuldarro 6-1 ay ka soo gaartay Tottenham.Daaficii hore ee Red Devils ayaa u muuqday mid aad uga murugeysan xaasuuqii soo gaaray United isagoo soo jeediyay in madaxda Man United ay mudan yihiin in la dharbaaxo.“Alexis Sanchez ayaa hadal yiri markii uu u saxiixay Man United, tababarkiisii ugu horeysay ee kooxda wuxuu weydiistay wakiilkiisa in la kansalo qandaraaskiisa” ayuu Evra…

Qiimeynta Ciyaartoyda Kulankii Man United & Tottenham,

Man United ayaa guuldarro weyn ay ka soo gaartay Tottenham oo uu hogaamiyo macalinkoodii hore Jose Mourinho iyadoo 6-1 lagu xasuuqay xilli uu qeybtii hore casaan ka qaatay weeraryahankooda Anthony Martial.United ayaa soo bandhigtay qaab ciyaareed liita iyagoo weli dhibaato ka qaba dhanka daafaca inkastoo uu u joogo daafaca ugu qaalisan dunida.XIDDIGA GAROONKA: HARRY KANE (TOTTENHAM)Weeraryahanka Ingariiska ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed aad u fiican kulankii caawa, isagoo khamiistii seddexleey ka soo dhaliyay Europa…