Messi, Pogba, OZIl & Shax Adag Oo Laga Sameeyay Xiddigaha
Lionel Messi iyo Paul Pogba ayaa hogaaminaya liiska xiddigaha magaca weyn ee galaya sannadkii ugu danbeeyay ee qandaraaskooda.
Waxayna taasi la micno tahay in xiddigahaa lagula wareegi karo si bilaash ah marka uu dhamaado xilli ciyaareedkan.
Messi ayaa ku hanjabay inuu xagaagan ka tagayo Barcelona laakiin waxa uu go’aansaday inuu sharfo qandaraaskiisa halka Paul Pogba uu ka shaqeynayo sidii uu ugu wareegi lahaa kooxda Real Madrid.
Laakiin iyadoo xiddigaha sida Mesut Ozil, Memphis Depay iyo Sergio Aguero uu iyaguna dhacayo qandaraaskooda xagaaga danbe, waxaa jiri doona xiddigo waa weyn oo si bilaash ah lagula saxiixdo.
Waxaa xitaa macquul ah in Diego Costa uu si bilaash ah dib ugu soo laabto Premier League.
Hadaba jariirada The Sun ayaa shax adag ka sameysay xiddigaha sida xorta ah lagu heli karo xagaaga danbe:
Goolhaye
Ginaluigi Donnarumma (AC Milan)
Daafacyada
Eric Garcia (Man City), Sergio Ramos (Real Madrid) Jerome Boateng (Bayern Munich), David Alaba (Bayern Munich)
Khadka Dhexe
Paul Pogba (Man United), Gini Wijnaldum (Liverpool), Mesut Ozil (Arsenal)
Weerar
Lionel Messi (Barcelona), Sergio Aguero (Man City), Memphis Depay (Lyon)
Waxaan shaxdaan adag soo gelin balse qandaraaskooda uu dhacayaa xagaaga danbe xiddigo ay ka yihiin Angel di Maria oo haatan u dheela Paris Saint-Germain, Diego Costa oo jooga Atletico Madrid iyo Luka Modric oo u ciyaaraya Real Madrid.