Kooxaha Liverpool, Man United, Barcelona, Chelsea oo kharash Galiyey

Manchester United ayaa xagaagan lacag £75 milyan oo Gini ah suuqa gelisay, waxaanay lasoo saxeexatay Donny van de Beek oo ay kusoo iibsatay £35 milyan oo Gini, Alex Telles oo ay £13.5 milyan oo Gini kagala soo wareegtay Porto iyo Amad Diallo oo ay £26.5 milyan oo Gini kusoo iibsadeen laakiin Old Trafford soo gaadhi doona bisha January ee sannadka cusub.

Lacagta United ay kharash garaysay ayaa waxa ka dhigaysaa kooxda saddexaad lacagtii ugu badnayd suuqa gelisay ee ciyaartooyo kusoo kharash garaysay.

Sida ay sheegtay shabakadda qiimaynta iyo xogta ciyaaraha ee CIES, 20ka kooxood ee lacagta ugu badan suuqa geliyey sannadihii ugu dambeeyey waxa kaalinta koowaad kaga jirta Manchester City oo ciyaartoyda ay hadda haysato kasoo bixisay lacag sare u dhaaftay hal bilyan oo Euro, taas oo ay xataa kaga sarrayso Paris Saint-Germain oo la ogaa in Neymar ay kula soo wareegtay 222 milyan oo Euro iyo Mbappe oo ay isagana 180 milyan oo Euro ka bixisay, taas oo ka dhigan in laba ciyaartoy oo kali ahi ay ku joogaan  €402 milyan oo Euro.

Sida ay qiimayntani muujisay, PSG ayaa ah kooxda labaad ee ku xigta Manchester City laakiin iyadu may gaadhin heerka bilyanka, waxaana uga hadhsan  €118 milyan oo Euro, halka Man City ay iyadu sare u dhaaftay  €1 bilyan.

Liverpool ayaa noqotay kooxda saddexaad ee dunida oo dhan safkeedu ugu qaalisan yahay, waxaana tababare Jurgen Klopp uu sannadihii shanta ahaa ee uu joogay Anfield uu suuqa geliyey lacag badan.

Chelsea oo xagaagani u ahaa mid ay suuqa kaga adeegatay lacagta ugu badan ayaa shanaad soo cidhiidhsatay, waxaase ka horreysa Barcelona oo  €826 milyan oo Euro ciyaartooyo kasoo bixisay sannadihii ugu dambeeyey, kuwaas oo ay ugu qaalisanaayeen Philippe Coutinho, Ousmane Dembele iyo Antoine Griezmann oo saddexdoodu ku joogay lacag aan ka yarayn €400 milyan oo Euro.

Halkan kaga bogo 20ka kooxood ee lacagtii ugu badnayd suuqa geliyey:

20. Wolves – €293 Milyan

19. Roma – €303 Milyan

18. Dortmund – €311 milyan

17. Monaco – €358 milyan

16. Leicester – €370 milyan

15. Bayern Munich – €408 milyan

14. Inter Milan – €439 milyan

13. Napoli – €467 milyan

12. Tottenham – €479 milyan

11. Atletico Madrid – €483 milyan

10. Everton – €504 milyan

9. Arsenal – €590 milyan

8. Juventus – €594 milyan

7. Liverpool – €666 milyan

6. Real Madrid – €708 milyan

5. Chelsea – €763 milyan

4. Barcelona – €826 milyan

3. Manchester United – €844 milyan

2. Paris Saint-Germain – €888 milyan

1. Manchester City – €1.036 bilyan

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More