Real Madrid ayaa gelaysa xaalad wareer ah oo aan la saadaalin karaynin, taas oo keeni karta in ay ka tagaan halyeeyo waaweyn kaddib markii ay soo baxday fadeexad la xidhiidha cod laga duubay Madaxweyne Florentino Perez oo ku tilmaamaya ‘khiyaanooleyaasha ugu waaweyn’.Perez oo hore ula dhibaatoonayay eedaymo kaga imanayay UEFA, FIFA, LaLiga iyo kubadda cagta Adduunka maadaama uu yahay Madaxweynaha tartankii fashilmay ee Super League, ayaa waxa hadda hoostiisa ka holcay dab aanu meeshaba soo dhiganin, laakiin xilliga la shiday…