DEG-DEG: David Raya Oo Xaqiijiyay In Uu Toos Ugu Biiray Arsenal.

Goolhayaha David Raya ayaa Si Rasmi ah u xaqiijiyay in uu si Toos ah ugu biiray kooxda Arsenal.

- Advertisement -

David Raya oo amaah kula joogay Arsenal xilli ciyaareedkii dhamaaday ayaa muhiim ka ahaa kooxda Mikel Arteta.

Goolhayaha reer Spain ayaa haatan noqday xiddig joogto ah oo Arsenal isaga oo toos ugu biiray kooxda.

“Kadib hal sano oo amaah ah oo aan ku qaatay Gunner, ugu dambeyntii waxaan dhihi karaa waxaan ahay ciyaaryahan Arsenal ah sanadaha soo socda”ayuu Yidhi.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan kooxda matalo, waa arin Riyo ii ah in ay ii rumuwaday”.

Raya ayaa noqday dookha 1-aad ee Arsenal xilli ciyaareedkii hore isaga oo booska kala baxay Goolhaye Aaron Ramsdale.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More