Neymar Oo Magacaabay SHAN Xiddig Oo Ka Wanaagsan, Kana Xirfad Iyo

Xiddiga reer Brazil ee Neymar ayaa magacaabay shan ciyaartoy oo uu qirtay inay ka xirfad iyo xeelad badan badan yihiin marka ay garoomada ku wada jiraan, kuwaas  oo uu si gaar ah uga eegay dhinaca farsamadooda ciyaareed.

Neymar Jr oo ka mid ah ciyaartoyda ugu wanaagsan dunida, waxa uu sheegay in xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Liverpool iyo Spain ee Thiago Alcantara uu ku jiro ciyaartoyda isaga ka farsamada iyo xeeladda badan marka ay garoonka ku jiraan.

Thiago oo ay da’diisu tahay 30 jir ayaa waayihiisa ciyaareed ay sida cadceedda uga soo baxeen Barcelona oo uu usii dhaafay Bayern Munich oo toddoba sannadood oo uu joogay uu kula guuleystay toddoba horyaalka Bundesliga ah iyo Champions League.

Laakiin sannadkiisii ugu horreeyey ee horyaalka Premier League ayaa  waxa uu la kulmay dhaawacyo hoos u dhigay fursadihii uu isku muujin lahaa, inkasta oo taabashadiisa kubadeed ay ahayd mid soo jiidasho leh, haddana waxa uu ka hooseeyey heerkiisa waqtigii Bayern Munich.

Neymar oo waraysi bixinayay ayaa waxa kale oo uu sheegay in xiddiga reer Argentina ee Lionel Messi uu yahay mid farsamooyinkiisa ciyaareed ay yihiin hibo dabiici ah oo isaga ka sarreeya.

Messi iyo Neymar ayaa waxay waqti kusoo wada qaateen Barcelona oo ay kula wada guuleysteen horyaalka La Liga iyo Champions League, iyagoo wada abuuray weerarkii ugu halista badnaa oo uu ku wehelinayay Luis Suarez.

Eden Hazard oo Real Madrid u ciyaara, balse waqtigiisii ugu fiicnaa kusoo qaatay Chelsea ayaa uu sidoo kale Neymar ku daray liiskiisa, waxaanu raaciyey laacibka kale ee reer Belgium ee Kevin de Bruyne oo laba jeer ku guuleystay xiddiga waddanka Ingiriiska ee PFA.

Xiddiga khadka dhexe ee Talyaaniga iyo Paris Saint-Germain ee Marco Verratti ayaa uu ka dhigay ciyaartoyga shanaad ee hibada ciyaareed ee dabiiciga ah leh, kuwaas oo xirfad iyo xeelad ahaan isaga ka sarreeya.

Xilli uu ka jawaabayay su’aalo laga weydiiyey Oh My Goal ayaa waxa la su’aalay ciyaartoyda ka farsamada badan isaga, waxaanu yidhi: “Ciyaaryahanadda aniga iga farsamada badan? Ma garanayo in aan ka jawaabi karayo su’aashaas. Laakiin waxaan u malaynayaa Messi, Hazard, De Bruyne iyo Verratti. Angiu wali waan ka maqanahay meesha. Waxa kale oo aad iiga farsamo badan Thiago.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More