Muxuu Ahaa Wada Sheekeysigii Dhexmaray Xiddiga Liverpool Fabinho &

Wada sheekeysi kooban ayaa dhexmaray madaxweynaha Real Madrid Florentino Perez iyo xiddiga Liverpool Fabinho ka dib markii ay soo dhamaatay ciyaartii habeen hore ee lugta hore ee wareega 8da Champions League ee ka dhacday garoonka Alfred de Stefano Stadium.

Madaxweynaha Real Madrid Florentino Perez ayaa ciyaartoydiisa ugu tagay qolka labiska ka dib guushii 3-1 ee ay ka gaareen kooxda Liverpool oo marti u aheyd.

Waxay tunnel-ka isaga horyimaadeen Vinicius Jr oo soo dhameystay wareysi uu siinayay warbaahinta iyo xiddiga Liverpool Fabinho.

Madaxweynaha Real Madrid ayaa kala hadlay xiddiga reer Brazil Fabinho waqtigiisii uu ka tirsanaa kooxda juunyeerka Real Madrid ee loo yaqaanao Castilla xilli ciyaareedkii 2012-13.

“Markii aad nala joogtay waxaad inoo aheyd daafac midig” ayuu Florentino soo xusuusiyay Fabinho.

Xiddiga Liverpool ayaa u xaqiijiyay inay sax aheyd inuu daafac midig ka dheelayay waqtigii uu joogay Real Madrid balse wuxuu sheegay inuusan haatan ka dheeli karin daafac midig madaama Vinicius uu yahay mid wacdarro dhigaya.

“Haa, laakiin haatan inaan ka dheelo daafac midig…. Alla maxaad ciyaaryahan heysataa oo Vinicius ah.” ayuu yiri Fabinho.

Vinicius ayaa labo gool dhaliyay guushii ay ka gaareen Liverpool taasoo keentay in Fabinho uu ku aqoonsado qaab ciyaareedkiisii fiicnaa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More