MUHIIM: Kylian Mbappe Oo Ka Cadhooday Hadaladii Madaxweyne Nasser

Garabka weerar ee kooxda Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappe ayaa la xusayaa inay taabteen hadaladii madaxweynaha kooxdiisa ee Nasser Al-Khelaifi uu dhawaan kaga hadlay mustaqbalka ciyaaryahankaas ee kooxda.

Mbappe ayaa ah mid lala xidhiidhinayo kooxaha Real Madrid iyo Liverpool xilli kaliya hal sano ka hadhay heshiiska uu ku joogo Parc des Princes.

Laakiin Al-Khelaifi ayaa soo af-jaray wararka la xidhiidhinaya bixitaan isaga oo sheegay inaysan abid iibin doono Mbappe sidoo kalena uusan marnaba kooxda bilaash kaga tagi doonin taas oo ka dhigan inuu xirfadiisa PSG ku dhammaysanayo.

“Waxaan noqon doonaa mid hadalkiisu cad yahay, Mbappe waxa uu joogayaa Paris” ayuu ugu horreynba yidhi madaxweyne Nasser.

“Anagu marnaba ma iibin doono isaguna marna qaab bilaash ah kuma tagi doono, Mbappe waxkasta oo uu doonayo waza uu ku haystaa Paris”

Laakiin sida uu sheegayo muuq-baahiyaha ree Spain ee El Chiringuito, Mbappe ayaan ku farxin hadalada uu ka maqlay Nasser Al-Khelaifi.

Muuqbaahiyaha ayaa sheegaya in Real Madrid ay hadda filanayso in Mbappe uusan wax heshiis kordhin ah samayn doonin oo uu iyaga qaab bilaash ah ugu wareegi doono xagaaga 2022.

Mbappe ayaa markale xilli ciyaareed heer sarre ah soo qaatay isaga oo 42 gool ugu soo dhaliyay PSG 47 kulan oo uu tartamada oo dhan uga soo ciyaaray.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More