Maradii Kabtanka Ee Uu Cristiano Ronaldo Dhulka Ku

Maradii kabtanka ee Cristiano Ronaldo uu carro darteed dhulka ugu tuuray ayaa la iibinayaa iyadoo lacagta lagu iibiyo lagu caawin doono caruurta xanuunsan ee dalka Serbia.

Xiddiga reer Portugal ayaa laga diiday gool sax ahaa oo xulkiisa uu ku badin karay Sabtidii, wuxuuna qarsan waayay caradiisa.

Ronaldo ayaa garoonka isaga baxay ciyaarta oo aan dhamaanin isagoo maradiisa kabtanka ku tuuray dhulka.

Waxaa marada kabtanka ee xiddiga reer Portugal lagu wareejiyay hay’ada tabarucaada dalka Serbia ee Together for Life kuwaasoo doonaya inay xaraash ku iibiyaan si lacagta ka soo baxda loogu daaweeyo wiil yar oo xanuunsan.

Gavril Djurdjevic oo kaliya lix bilood jir ah islamarkaana ka soo jeeda magaalada Kragujevac ayaa ka xanuunsan laf dhabarta.

Si loo daaweeyo waxay Together for Life doonayaan inay u uruuriyaan 2.5 milyan euro.

Waxay haatan qorsheynayaa in lacagtaas ay ka heli doonaan iibka marada kabtanka Portugal Ronaldo oo lagu tartami doono iibsashadeeda.

Waxaa marada kabtanka garoonka ka dhex qaaday mid ka mid ah shaqaalaha garoonka kaasoo ugu deeqay hay’ada Together for Life iyo wiilka yar Gavril.

Xanaaqii Ronaldo ayaa noqon kara mid lagu faa’ido inkastoo laga diiday gool kale oo sax ahaa.

Serbia ayaa ka soo dagaalantay labo gool oo looga hormaray iyagoo nasiib ku lahaa inay dhibic la baxsadeen.

Ku celiskii la daawaday ayaa muujiyay kubada Ronaldo oo gudubtay xariiqda goosha laakiin calanwadaha iyo garsooraha ayaa isku raacay in daafaca uu bixiyay kubada iyadoo aan dhaafin xariiqda goosha.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More