Manuel Neuer Oo La Hadlay Alisson Becker Markii Uu Goolhayaha Reer

Goolhayeyaasha Bayern Munich iyo Liverpool ee Manuel Neuer iyo Alisson Becker ayaa wada-hadlay markii uu goolhayaha reer Brazil goolka guusha u dhaliyey Liverpool maalintii Axadda.

Manuel Neuer ayaa shaaciyey in ay wada-hadleen Alisson markii ay soo dhamaatay ciyaartaas oo daqiiqaddii 94aad uu Alisson madax ku dhaliyey kubbad sababtay in kooxdiisu ay saddex dhibcood oo muhiim ah ka hesho West Brom, kuwaas oo sabab ugu noqon kara in ay ka mid noqdaan afarta kooxood ee sare.

Neuer ayaa markii ay soo dhamaatay ciyaartaasi, waxa uu si degdeg ah farxadda ula wadaagay Alisson oo uu kula xidhiidhay bartiisa bulshada ee Instagram, isagoo sidoo kalena soo dhigay sawirka Alisson oo dabbaal-degaya. Qoraal uu sawirka dushiisa ku soo qoray ayuu Manuel Neuer ku yidhi: “Alla muxuu gool ahaa saaxiibkayoow”.

Si kastaba, goolhayaha xulka qaranka Germany ee Manuel Neuer ayaa wargeyska The Athletic u sheegay in ay si toos ah u wada hadleen Alisson kaddib markii uu qoraalkaas soo dhigay bartiisa, isla markaana ay farriimo gaar ah iskugu direen barahooda bulshada oo ay xoogaa ku sheekaysteen.

Manuel Neuer ayaa yidhi: “Waan u hambalyeeyey isaga, waxaananu is-weydaarsanay farriimo qoraal oo dhawr ah.

“Goolhaye kastaa wuxuu ku riyoodaa in uu dhaliyo goolka guusha. Caadiyan, waad taageereyasaa marka uu goolhaye soo boodo, laakiin Liverpool ayay ahayd in ay guuleysato si ay ugu soo gudubto Champions League. Cajiib ayuu ahaa. Alla muxuu ahaa madax cajiib ah.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay isaga. Waa wiil aad u wanaagsan oo ay fududdahay in aad garabkiisa joogto. Wuu u qalmaa waqtigaas cajiibka ah.”

Alisson Becker ayaa la qiiro-ooyey goolkaas oo uu u hibeeyey aabbihii, iyadoo uu warbaahinta horteeda ka xusay in uu aad u jeclaan lahaa in aabbihii oo dhowaan geeriyooday uu noolaan lahaa oo uu goolkiisan daawan lahaa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More